|
|
 |
|
| |
London(Saylac.com) Maansadan abwaan
Maxamuud Cabdilahi Rooble ayaa tiriyey waxayna ka
hadlaysaa dulmiga oo dadyowga aduunka badankoodu
hada si gaar ah uga horyimaadeen dulmi lagula kaco
oo sharciga ka baxsan. Abwaanka ayaan maanta oo ay
bishu tahay dec,21,2008 aan kala sheekaystey
dhibaato dhawaan loo geystay laba culumaa udiin oo u
dhashay Jamuuriyada Soomaaliland oo uu Taliyaha
Booliska degmada Wajaale si bani aadanimada ka
baxsan jidh dil iyo xadhigba iskugu daray .
Abwaanka ayaa ii sheegay in dulmigu uu meel walba ka
jiro lakiin ay haboontahay in qofka dulmi loo
geystey laftiisu uu waajib ka saaran yahay inuu
gashaanka ku dhufto aqbalida dulmiga ruux kale u
geysanayo ee sharciga ka baxsan, Isagoo hadalkiisa
sii wata abwaanku waxa uu igu yidhi "Dulmigu ma laha
lugo uu kugu soo raadsado ee qof ayaa kuula yimaada
adiguna qof kale oo qofkaa la mida ayaad tahay adiga
ayey ku khusaysaa inaad aqbashid dulmigaa qofku
kuula yimid iyo inaad gashaanka ku dhufatid waxana
khayr badan adoo gashaanka ku dhufta waayo
dulmigaasi adiga kaliya kuguma joogsan doono ee
caruurta aad dhashay laftoodu way la ildaraan
doonaan ilayn adigoo ogolaaday dulmiga ayey arkeene
iyagana shay caadi ah ayuu u noqon doonaa wayna ku
adkaan doontaa inay iska dulqaadaan dulmi loola
yimaado".
Gabagabii sheekada maanta na dhex martey aniga iyo
Abwaanka oo khadka telefoon ku wada hadlayney in
mudo ah ayuu tixahan maansada ah kusoo gunaanaday
Aniga oo ah Maxamed Xaaji ayaana ka duubay Abwaanka.
Dayran iyo abaabiil
Walduxaaga magansaday
Durba helay warkiinii
Danab dhacay sidiisii
Dayaankii isoo gaadh
Dhegtu jabaqda doonkeed
Jidhku didis dareenkii
Xanuun daran si uu helay
Qalbigu duuban dhinacii
Xaadii jidhkay diday
Shimbiruhu ka duuleen
Doodii aan soo diray
Dadku waxay ku tiirsheen
qiso duuga oo tidhi
Dundumooy garaadkaa
Ma dulqaadashada abid
Wixii uu aboor daday
Uu ku daalay waligii
Roob kaa dulqaadoo
Daleedaha ku wadhaybaa?
Damiirku aadmi waw door
Dameeruhu rarkii dilay
Garabkii dayaankiyo
Naburkii dalooshamay
Isagoo damqani wali
Marna kama didaanoo
Waa duunyo jaanoo
Kama dago rarkuna abid
Wali way la duulaan
Dulmi laysku garan waa
Dunidii kacdoon iyo
Iga durug ayaa timid
Dadkii ciilka lagu dilay
Dawladbay sugaayaan
Ragu dibadbax daayoo
Dagaal hoog u daahrogay
Gaalkii dusheenuun
Dibaabadaha xoogiyo
Dayuuradaha guuxiyo
Damta weyn is bidi jiray
Dabin buu lugaha dhigay
Ragbaa diiday yidhiyoo
Inuu docodoceeyiyo
Inuu duulo mooyee
Dawgii ma soo maro
Dacar weeyi badihii
Duufaan qarsoonoo
Ciil lagu dildilay iyo
Danabaa hortiis degay
Haantii daboolkiyo
Dildilaacay saabkii
Dusha sare ku daahnaa
Ninka dhaanka loo diray
Isagoon dushaba dayin
Ku higaag dilawsiga
Dabeed awrka dhinacyada
Ku daldalay siduu sido
Biyo lagu dab shida oo
Deeqa dhariga loo diro
Ka dar xaajo hoosaay
Darooshimaba muudayin
Danbi muu samaynine
Aqligaa ka daahnaa !!
Danbi aniga oon odhan
Anoon dayro waartiyo
Dareen dhaxal abuuriyo
caroog daalo ula bixiin
buurtii dusheenana
dab anoon la fuulayn
Darintii sagaarada
Diirkeeda laga tolay
Ninka gogol u haystee
Iga durug cigaal yidhi
Dadku muxuu ku sheegaa?
Tana waa dariiq kale
Degmo wey wadaagaan
Daris iyo xigeeluhu
Dadkuse wuu is dhaamaa
Kii dura walaalkii
Deediif midkiis wada
Kukalaa ka daa yidhi
Tanise waa dariiq kale
Dhaqan weeyi aan jirin
intay dunidu joogtoo
Hidihii ka gaaroo
Soomaali lagu daray
Rida dabada qaawani
Iyadoo aan daahnayn
Laxda duubka weynlee
Badhyuhu daday waxeegii
Danbibay u aragtaa
Dimuqraadi daa iyo
Dawlad lagugu sheegee
Dabalaay warkaa yimid
Tana waa dariiq kale
Dawacaa dugaag tidhi
Walee dayo inaan ahay
Dayo cali inaan ahay
Adeerkay dushiisiyo
Aan ku daaqo garabkii
Doraad hilibka aan idhi
Adeer qaado idilkii
Isna yidhi dayooy mudan
Walee dawlad hoosiyo
Darajaad ku wacan tahay
Daayeer haduu rabay
Inuu daadsho lawyada
Waraabaha dhegtii iyo
Daankii dalooshamay
Ha ku qaato dariskee
Ana darajo maahee
Dantaydaan ka raacee
Garta uu dugaag rabay
Dhurwaabaa dantiin waday
ee u digriya walaalkiin
Tana waa dariiq kale
Daruuraha dusheenee
Roobkii inuu da'o
Iska diiday waligood
Dayrtii wacnayd iyo
Durdurkii camuudeed
Geed damal hadhweyn iyo
Daaqii xaguu maray?
Duunyo xoolo daa oo
Dameer dhega la ruux lihi
Waa dawlad gaaree
Daruurtii maxaa helay?
Danbi buuxsamaa yimi
walaalkaa ka durugoo
keer daadaheeyoo
dayeer sidiisii
kuwo diirta geedaha
damaashaad u qaadoo
dalambaabi iyo hoog
kuu daahan raadsoo
midkii yara dareemee
daabkiis waxgoynlaa
dacwad adag ka keenoo
daantayda maahiyo
dawlad kale la doonoo
ku dakee xumaantiis
Tana waa dirkay tahay
Dareen laabta qariyoo
Damnaha aad ka dhawrtoo
Diirnac hoose lagu daray
Daayinkay ma sheegine
Raxmadii dusheen timi
Dabayloodka lagu bixi
Tana waa digniin mudan
Tooba daayinkayn rabo
Dawlisbaan u haystaa
Xaqa daydaygiisee
Aan hoos u daadago
Darxumooy dadkaagii
Daleedaha waxa dhigay
Isku dayasho maahee
Damiirkii ayaan jirin
Ruuxii ayaa dumay
Deked wey lahaayeen
Daawashada ku rooniyo
Buuro dahabku buuxiyo
Bado loo dalxiis tago
Sadexdii dhadhaaree
Ugaas duubka weynlihi
Geed damala hoostii
Umad daadahayn jiray
Gabaygana kanaan dagay
kana doorkibaan biday
isku daadshay cadawgee
Dulqaad badan u yeeshee
Isagoon digniin qabin
dabeed kaga dayaanshiyo
waa hadal daweynoo
suugaan u dooroo
dadku mahadiyaanoo
da kastaa qiraysee
danbi aniga oon odhan
u darsaday e ma ogtahay?
Durkiyaay ku wii yidhi
Tafiir duug ma noqotee
Da'santii dhawaan timi
Dadaalkood xaguu maray?
Tana waa dareensiin
Aan hadal daweyn iyo
Docda aad sugaysee
Duxdo maanku uurabo
Kuu diiro hadalkee
Dul inuu helaayiyo
Inuu daabac soo bixi
Doqoniimo hoosiyo
mid dadaalka neceboo
Isagiyo dadkiisii
midba daan dageenoo
darisnimo lahaynoo
dulimimo kunooloo
wuxuu daayin siiyana
daleedaha ku daadshoo
damiir aan lahaynoo
ciilka doorbidaayo
dagaalkana ilaawoo
durkiyaay midkii yidhi
dibadaha ka caayoo
dantiisuba halawdoo
darajada ka naxa oo
gaajada la darisoo
isku duubni neceboo
jeebkiis dalooloo
cad qudheed daneeyoo
dabnihiisa ciilkiyo
dubka sare jidhkiisana
jidhif ay dadeenoo
iskudirada diraaloo
danbigaba ku naaxoo
dayeer buur ku nooliyo
duunyadu ay dhaantoo
dayinkeen wuxuu yidhi
dadka uga digaayoo
kitaabkii dabsudhayoo
xaraan duubtay abidoo
agoonta iyo maatida
idilkood dilaaloo
darandoori xaaraan
cunuhu uu dalooloo
dulinimo u xaytoo
kuwii dayran lagu yidhi
diirka uga eg dooroo
dibu dhaca dadkiisiyo
daydaya mid nuguloo
dawlad aan ahaynoo
dayday lagu tilmaamoo
dilaal iyo malaaloo
laga daahay sharafoo
daaradaha hortoodana
dabinada ku daadshiyo
Carab dalable baa suga !!!
Dusha sare ninkii rabi
Dogob iyo mareegiyo
Sunta miiran doondoon
Kolay damucu waa door
Daad xaabo sida iyo
Gabi dumaya sii fuul
Durkiyaayna sii qaad
Inuu dabinta ruugana
Dadaal dheer ka dooraac
Daacadnimo dix hoosiyo
Ku dabool hog dheeroo
Dabool adagna sii saar
Geesi weeyi dooree
Diiftii uu soo maray
Dadku mahadi guushii
Dumarkuna mashxaradii
Ku duceeye heelada
Daliil haw ahaatee
Tariikhda daah furay
Walow aan dirkaa sugi
Tana waa dareenkay
Dameerjoog agteediyo
Anoo duuda daawada
Sacadiina dooxii
Ku dimdimayo laagaha
Banka diida waaleed
Dumarkii dareemada
Laba darin ka sooheen
Aqal laba daryaala ah
Dacalada ka joogaan
Oo doob inbadan sugay
Uu deeqa helayoo
Loo duceeyey ubadkii
Duqay weeye suubane
Digrigii is daba dhacay
Maxaa diif ibadayoo
Doqon igu farxaayoo
Duqaydii dhulkaygii
Sigaar lagu dam siiyaa
Dood baan ka leeyahay
Tana waa dariiq kale
Digniintaydu waxay tahay
Aan u dirayo dagalkii
Dawlad lagugu sheegiyo
Dirays waa saleelee
Dabalaay warkaa yimid !!
Ku darsoo daliil kale
Dambas maaha rarankuye
Dusha haduu qabow yahay
Halasaa ku daahane
Faraha dubuq ha siinine
Dibu u guro intaad degin !!
Soo duubay hadalkee
Ma dameer jin raraybaa
Haduu cali dareensii
Bari deelka uga dayey
Wali danab ka soo baxa
Dadku way sugaayaan
Dayrtani inuu iman
Iyo guga diraaceed
Runeey daadah maantana
Barina daris kaleetiyo
Danta guud kusoo durug
waa dooda joogtee
Durkiya maysla garanaa?
Qaybtii Kowaad ee Durkiya lasoco qabta labaad
Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Waxa duubay iskuna duba riday wariye Maxamed Xaaji
Saylac.co London UK email : saylacnews@yahoo.com
ka faloo maansadan email kusoo hagaaji saylacnews@yahoo.com
|
|
|