| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Qurbo Jooga ree Awdal oo gashaanka ku dhuftey Diwaangalin laga been abuuray Gobolka Awdal
..Dec,26,2008


Baaqyo aad u farabadan oo lagaga horjeedo Diwaangalinta macmalka ah ee laga been abuuray Gobolka Awdal iyo Salal ayaa si isdaba jooga usoo gaadhaya shabakada saylac.com . Baaqyadan ayaa waxay dadku si toosa ugu cambaareynayaan gudoomiyaha komishanka Qaranka iyo guud ahaan Gudiga isku magacaabay gudiga diwaangalinta J/ Somaliland oo ku talaabsaday qiyaabo qaran oo qaawan. Rayul caalamka ayaa waxay sheegeen in diwaangalinta macmalka ah ee ka dhacday somaliland ay tahay mid qabiil gaar ahi uu samaystey ee aanay u dhanayn dhamaan qabaa ilka dega Somaliland . Arintan ayaa cadho weyn ku abuurtey dhamaanba Jaaliyada dibada degan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo si rasmi ah u cadeeyey inayna aqoonsanayn wax diwaan galin ah oo ka dhacday Gobolada ay ka soo jeedaan .

Hadaba anagoon aan idiin soo wada koobi karin maqaalada lagu qaadacayo diwaangalinta macmalka ah ee ka dhacday J/ Somaliland ayaanu laba qormo oo ka mid ah qormooyin aad u tiro badan oo naga soo gaadhay jaaliyada idiinsoo gudbino.


Jawhar Qalinle - Sweden..,26,2008

Malagu kalsoonaan karaa kaadhadhka aqoonsiga iyo kuwa cod-bixinta mar hadii sidii kiniin dhakhtar u qorey uu qofku subax walba hal-xabo qaadanayay?

Anigu xog badan baan ka hayaa nuuca tiro-koobka iyo diwaan-galintu uga kala qabsoomeen gobolada dalka qorshihii diwaan-galintuna wuxu u muuqdaa mid faashil ah.Marka aan leehay hawsha komishanku qabtay ma tahay mid sidii loo baahnaa u qabsoontay,tirooyinka soo baxayaana ma yihiin kuwo sax ah,macnuhu maaha inaan ka masuugey tirada kasoo baxday W.galbeed iyo Togdheer oo waxan jeclaan lahaa in midkiiba shan milyan ku noolaato.Laakiin waxa aan ka hadlayaa waa hawshii diwaan-galinta loogu magac daray ee dunidu inaga caawisay sida loo majara habaabiyey ee musuq-maasuqa loogu sameeyey iyo sida masuuliyiintii hawsha gacanta ku haysay uu raadaalku uga lumay.

Markii aan faalada ka diyaariyey ee aan lahaa hawsha komishanku gacanta ku hayo calaamatu su'aalbaa saaran oo khalad weynbaa ku jira qaabka hawsha loo maamulay isla markaana waxa jira calaamado muujinaya khiyaamo iyo cadaalad darro uu komishnku sameeyey iyo musuq-maasuq ay hawl-wadeenada goobuhu sameeyeen oo qof waliba dhawr kaadh buu qaatey, dadbadan baa liqi waayey,tobanaan email baa la iisoo qorey oo warbixinteyda lagaga andacoonayo,kuwo kalena website-yaday iisoo mariyeen jawaabahooda isku soo wada duuboo xaasaasiyad badan baa laga qaaday,taasina waxay ka dhalatay xogta iyo runta ay warbixintu xambaarsanayd,waxa laga dagaalamayaana wax kale maaha,ee waxa weeye "maxaad noogu qarxinaysaa wixii aan qooshanaynay?

Waxa jira xogo kale oo wali qarsoon oo aan anigu ka war hayo intii hawsha gacanta ku haysayna ay ogyihiin oo aanay dafiri karin.Waxa ka mid ah in dad aan wadankaba joogin oo qurbaha degan kaadhadh loo qaadey,dadkaasi waxay direen sawiradooda iyo lacag,maantana wuxu haystaa labo kaadh isagoon faro laga dhigin sifihii sharciga ahaana usoo marin.

Musuq maasuqaa iyo khiyaamadaa waxa sameeyey hawl-wadeenadii goobaha diwaangalinta ee komputerada gacanta ku hayay cid illaa imika arimahaa daba gashay oo baadhayna ma jirto.
Akhriste marka ay dhacday in qofku toban kaadh iyo inkabadan qaatay ee sidii kiniin dhakhtar u qorey uu lixdii maalmood subax walba hal-xabo qaadanayay... .Marka ay dhacday in dad aan dalkaba joogin kaadhadh loo sameeyay sidee loogu kalsoonaan karaa kaararka cod-bixinta iyo kuwa jinsiyadda?

Marka ka shicibka ahi uu wax sharci darro ah la shir-yimaad waxay ahayd in ka shaqaalaha ah ee hawsha qaran lagu aaminay uu sharaftiisa iyo sharafta dalkiisa ilaaliyo isagoo ixtiraamaya himilada fog kana fogaanaya wixii diwaan-galinta fadeexad ku keenaya.Laakiin sida aan wararka xogta ah ku helnay kuwa shaqaalaha ah ee hawsha faraha ku haya ayaaba dhiiri-galinayay arimaha laaluushka oo hadii aan la laashuushin komputerkuba cilad kama baxayn,cid aan faro laga dhigina kaadh ma helayn.

Arimaha la yaabka leh waxa ka mid ahaa reer walba wuxu sii ogaanayay kooxda degaankooda imanaysa iyo goob walba kuwa ku qoran kuwa ay yihiin,habeenimada ay xarunta gobolka kusoo hoydaan koox kastiba waxa qaabilayey dadkii loo sii qorsheeyey ee kharashkooda u hayay.Hawl-wadeenada goobtu waxay shaqada bilaabayeen iyagoo iibsan sidii ciyaartoyda,masuuliyiinta komishanka ama kuwa diwaan-galintuba markaliya iskuma dayin inay musuq-maasuqa ceynkan ah ka hortegaan ama xakameeyaan imikana rajo buuran lagama qabo inay khaladaadkii dhacay iyo kaadhadhka bugta ah ee la bixiyey iyo tiro-koobkii dhacay xal u helaan.Waayo,mar hadii qofka hal mar oo kaliya faro laga dhigay toban kaadhna la siiyey suuro-gal maaha in arintaa xalkeeda la helo.

Gudoomiyaha diwaan-galintuna nin lagu kalsoonaan karo maaha waa nin isku dhexyaacsan inta uu maanta leeyahay konton kun oo meel ku qarsoonaa baan arkay muxuu maalintii u horeysay u sheegi waayey.

Ismaciil ma labo bilood kadib buu ogaaday in gobolkii uu xaasiday uu ahaa gobolkii uu kasoo jeeday.Caku.........Maalinbay uga ekeyd inuu ceebta gondihiisa taal ka gaashaanto.

Jaw Qalinle (korwaayeel@hotmail.com)


------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Cabdale Farah Sigad oo degan Ingiriiska


Diwaan Galinta soomaliland waa Axankii Awdal iyo Aaskii Soomaliland iyo Kobcintii Beesha dhexe. ..Dec,26,2008
(Hargeysa 417,000+Burco 315,00 +Saaxil 51,000=783,000 + Iyo inkale oo soo socota) Maanshaa Allaah intaasoo wada Isaaqa


Diwaangalinta Somaliland ka dhacaysaayi maaha mid rajo fiican u soo kordinaysa dalka laakiin waxay rajo iyo mustaqbal fiican unoqonaysaa beesha dhexe ee reer sheekh Isaxaaq oo lambarka ay ka helaan Somaliland kula tartami doona beelaha koonfurta, halka beelaha kale ee dalka dagaayina ay qarka ugu saranyihiin in ay jiritaankooda waayaan. Waxayna u egtahay in ay usocoto diwaangalintu siyaabo u kas ah oo aan dan u ahayn cid kasta oo jecel jiritaanka Somaliland.

Tusaale hadaan ka bixiyo siyaabaha qaldan ee ay hawlaha diwaangalintu usocdaan iyo siraha kulaaban oo qofkii in uun caqli caafimaad qaba lehi uu garan karo.

Calaamadaha iska cad ee ina tusi kara in qaladaad loo kasayaayi kujiro hawalaha diwaan galinta ee Somaliland waxa kamida sidaan wada ognahay in qiyaasta kasoo baxday Hargaysa iyo Burco ay aad iskugu dhawyihiin taasi oo aan caqliga galayn.

Wa’ayo hadiiba hargaysa loo ogolaado oo laguba qadariyo caasimad ahaanta, iyada oo laguna xaqsiinayo dadka hargaysa iska diwaangaliyay in ay qaarbadan oo kamidii kakala yimaadeen gobolada kale ee dalka , loona qiro in ay waligeedba caasimadi ka dad badnaan jirtay magaalooyinka kale.

Laakiin waxa layaable sobobta keentay in ay Buco ku tiro dhawaato Hargeysa sobobtoo ah marka Burco la eego waxa daga qayb kamida laba lafood oo ka soo jeeda qabiilka Isaaqa, mana laha dhul beereed ay ku ururaan dadku. Dadka gobolka togdheer kudhaqani waa dad reer guuraaya labada lafood ee dega togdheerna qaybo kamidii waxay iska diwaan galiyeen Hargeysa hadaba burco oo ahayd in ay Boorama ka dad yaraato siday ku dhacday in ay tirada kasoo baxday ay hargaysa ku dhawaato?

Hargeysa 417,000vBurco 315,00

Sobobta kaliya ee lagaga jawaabi karo su,aasha ah siday Burco kaga dad badnaatay Boorama ama ay uugu tiro dhawaatay Hargeysa waxay noqonqysaa in qofkasta oo reer burco, ah ama reer togdheer ahiba uu sadex jeer is diwaan galiyay halka dadka boorama kudhaqanina sidaan aniguba indhahayga ku arkay xaafadiiba labo qof uuni ay iska diwaan galiyeen. Tanina maaha wax qarsoon oo komishanka diwaangalinta ayaaba qirtay in dadka hargaysa iyo burco kudhaqaniba ay dhawr dhawr jeer is dawaan galinayeen, iyadoo booramana dadku meel ay iska diwaan galiyaan ay la,aayeen.

Hadaba markaad eegto arimaha ay wadaan dadka diwaangalintan wadaayi waxay u egtahay in maskaxdooda iyo maankoodu aanu waxba ka xishoonayn. Qaabiil jacaylkooduna uu ka xoogbatay qaran jacaylkooda.

Diwaan galinta maanta kadhacday somalilandna waxay markhaati unoqonaysaa doodihii iyo waxyaalihii ay ku andacoon jireen soomalida konfurtu, taasi oo ay markasta yidhaahdaan amaba ay caalamkaba usheegaan in qabiil isaaq layidhaa oo kaliyihi uu dago Somaliland qabiilna uuna noqon karin qaran.

Hadaba hadii la doonayo wax qaran u eg, oo caalamka laga iibiyo waa in ku dar darsiga iyo ka googoynta la joojaa hadiise larabo in qabiil kaliya wax loogu raadsho waxa haboon in aan been la isku sheegin oo qabiil walba raadsado xaqiisa

Hadaan u baydhno dhanka gobolka Awdal oo ah gobolka kaliya ee ay dagaan dad aan isaaq ahayn ee ay wali kasoo baxday natiijada diwaan galinta oo noqotay waliba meesha kaliya ee tiradeeda marna wax lagu daro markii la doonana laga gooyo. Waxan wada ognahay in uu dagaankani yahay dagaan aad ubalaadhan oo ay dagaan dad beeralay ah oo maguuraan ahi, mana dhici karto in kaliya tirada dadka reer Awdal ay moran gasho.

Waxase layaab leh dadkii matalayay gobolka ee mucaarid iyo muxaafidba ahaa waxa ay uga aamuseen arintan diwaangalinta ee aad moodo in loogu tala galay in Awdal looga dhigo Axankii lagu sabootiyayay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolkani waxay noqdeen qaar kaba xishooda in ay u hadlaan gobolka taasina waxay keentay in dhigooda kasoo jeeda beelaha dhexe, oo ay ka dhaxaysay xafiiltan iyo xeelado siyaasadeed ay maanta gool madhan oo ay siyaasiyiinta awdal baneeyeen ay kubad ku laagaan.

Iyada oo beelaha kale ee soomaliland ee aan ahayn beesha dhexe ee isaaq dhamaantood kuwada dulmanyihii diwaan galinta hada socota hadana waxa laf jab wayni maanta kuyimid dadka reer Awdal oo ah rukunada soomaliland. Hadaba wax kasta oo la qoro ama laga hadlo oo aan ficil iyo wax ka qabad lagu darin waxa dhaanta in la iskaga aamuso laakiin hadana damiirka ayaa diidaya in dadka reer awdal ay ka wada aamusaan waxa maanta ka dhacaya gobolkooda waxase nasiibdaro ah iyada oo aanay jirin ficilkii wax lagaga qabanaayay taasina maanta waxay dadka reer awdal gaadhsiisay in lagu rido hog aanay waligood ka soo bixin oo mijihii muuqan jirayna ay maanta qarsoomeen.


Gabgabadii hadii aan yara bayaaniyo waxyaalaha sii cadaynaya in diwaan galintu tahay mid dano gaara laga leeyahay oo lambarada tirooyinkuna yihiin qaar aan jirin oo inyar uuni iska alufanayso waxa kamida in komishanka diwaangalintu la noqday tiro marka horaba saqiir ayayd oo ay ku tilmaameen in ay awdal usoo biirtay taasi oo u ekayd mid ku timid khajilaad iyo cabsi ka timid komishanka iyo kuwa faraha ku haya arimaha diwaan galinta oo kabaqay in lagu fahmo farsamada khiyaamada ah ee ay wadaan. Laakiin nasiib wanaag dhagar qabe dhulkaa udhaqdhaqaaqee la noqoshada ay tirada la noqdeeni waxay cadaynaysaa in ay marka horaba Awdal siiyeen tiro jeebkooda uun kasoo baxday oo tirakoob daacad ahi uuna kasocon dalka, diwaan galintuna tahay Aaskii Jamhuuriyada soomaliland iyo Axankii Awdal.



Cabdale Farah Sigad

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Maxamuud Ismacil Kaahin Chicago USA

Waxa aad moodaa in marna dadkiinu dareen laheyn oo kol kol ayaad is odhaneysaa horta dareenka iyo dhiigi xagee ayuu idiinka dhamaadey.

Hadaad tihiin reer awdal,kolna waxaad jawaabtaa helaysaa marka aad aragto dadkeena reer awdala anagu isku jeedno oo in dhiigii aanu laheyn bilaashkaas ku dhamaadey oo mid walaalkeyn ah uun aanu ku jeedno.

Aan u soo dhaadhaco xogta iyo arimaha socda ee jaarkeena ka jira, mar walba intii akhrisatey maqaaladeyda ilaa iyo mudo waxay ku dheehnaayeen waar diwaan galintan soo socota maxaa nooga gadhiisha hadaanu nahay reer awdal madaama kolna aanu ku heleynin xaqii aanu laheyn .taas wey socon weydey oo dhagna jalaq waanu u siinweynay hadaladii salaadiinteena ka soo yeedhahyey ee cadhada watey oo waanu tageeri weynay odayaasheena hadalada ka soo yeedhayey oo waanu odhan kari weynay anagu marna raali kama nihin diiwaan galin wax kasta oo ay noqotaba.

dhacdey maxayse ku danbeysay ayaa meeshan hadaba maanta na hortaala waxa na horyaala 180.000 oo qof ayey reer awdal noqdeen gobolka MAROODI JEEX la yidhina 500.000 nus malyuun ayuu noqdey ayaa maanta na hortaala oo dhagaheena ku soo dhaceysa hadaba waa su,aale ma anagaa diiwaan galintaa ka qeyb galin mise dadkaan ogeyn ee hurdada iyo jiifka diiday iney nabad iyo dowladnimo qataan ee la inkirayo ee la leeyahay computer ayaa xumaadoo 133.000 ayaad aheydeen waan idiin kordhinay 180.000 ayaad noqoteen.

Waar mawaxaas ayaanu maqalnaa oo damiir ku leenahay.waar samaroonoow ismaqalka maxaa idiin diiday oo dadnimada idinka qaadey inaan ceytamo ma jecleyn lakiin dhiig ayaa iga keenayo iyo cadho badan oo aan loo dulqaadan kareyn .kursiga ugu sareeya ayaad ku fadhidaa dharag nooma noqoto isaaq oo aan ognahay inuu sina nooga badneyn oo isa soo leynay isa soo dhacnay soo heshiinay maanta waxaa idinka badan gobolka MAROODI JEEX dee walaalyaal qeyrkeen lama ag istaagi karnee meesha dowladi ma jirtee nagu kala kaxeeya ayaaba banaan.

Afka kuminshanka waxa ka soo baxay maalmahana waxaan u arkaa walaahi jees jees iyo midi ayaan kugu taagay dabadeedna waan kugu lux luxayaa waar siyaasigeenee mee aqoonteenii meedey ,wadaadadeenii mee ,saladiintii mey khuurinayaan .walaalayaalow xaal garan meynee sidan aan ka kacno .wasalaamu

calaykum waraxmatulaah MAHAMOUD ISMAIL KAHINKAHIN76@YAHOO.COM

------------------------------------------------------------------------
Halhayska  Afrika waa Aamusa waa ula

Maqaalada ku wajahan arinkan kusoo hagaaji Saylacnews@yahoo.com





 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com