|
|
 |
|
| |
Qurbo Jooga ree Awdal oo gashaanka ku dhuftey
Diwaangalin laga been abuuray Gobolka Awdal..Dec,26,2008
Baaqyo aad u farabadan oo lagaga horjeedo
Diwaangalinta macmalka ah ee laga been abuuray
Gobolka Awdal iyo Salal ayaa si isdaba jooga usoo
gaadhaya shabakada saylac.com . Baaqyadan ayaa waxay
dadku si toosa ugu cambaareynayaan gudoomiyaha
komishanka Qaranka iyo guud ahaan Gudiga isku
magacaabay gudiga diwaangalinta J/ Somaliland oo ku
talaabsaday qiyaabo qaran oo qaawan. Rayul caalamka
ayaa waxay sheegeen in diwaangalinta macmalka ah ee
ka dhacday somaliland ay tahay mid qabiil gaar ahi
uu samaystey ee aanay u dhanayn dhamaan qabaa ilka
dega Somaliland . Arintan ayaa cadho weyn ku
abuurtey dhamaanba Jaaliyada dibada degan ee ka soo
jeeda Gobolka Awdal oo si rasmi ah u cadeeyey inayna
aqoonsanayn wax diwaan galin ah oo ka dhacday
Gobolada ay ka soo jeedaan .
Hadaba anagoon aan idiin soo wada koobi karin
maqaalada lagu qaadacayo diwaangalinta macmalka ah
ee ka dhacday J/ Somaliland ayaanu laba qormo oo ka
mid ah qormooyin aad u tiro badan oo naga soo
gaadhay jaaliyada idiinsoo gudbino.
Jawhar Qalinle - Sweden..,26,2008
Malagu kalsoonaan karaa kaadhadhka aqoonsiga iyo
kuwa cod-bixinta mar hadii sidii kiniin dhakhtar u
qorey uu qofku subax walba hal-xabo qaadanayay?
Anigu xog badan baan ka hayaa nuuca tiro-koobka iyo
diwaan-galintu uga kala qabsoomeen gobolada dalka
qorshihii diwaan-galintuna wuxu u muuqdaa mid
faashil ah.Marka aan leehay hawsha komishanku qabtay
ma tahay mid sidii loo baahnaa u
qabsoontay,tirooyinka soo baxayaana ma yihiin kuwo
sax ah,macnuhu maaha inaan ka masuugey tirada kasoo
baxday W.galbeed iyo Togdheer oo waxan jeclaan lahaa
in midkiiba shan milyan ku noolaato.Laakiin waxa aan
ka hadlayaa waa hawshii diwaan-galinta loogu magac
daray ee dunidu inaga caawisay sida loo majara
habaabiyey ee musuq-maasuqa loogu sameeyey iyo sida
masuuliyiintii hawsha gacanta ku haysay uu raadaalku
uga lumay.
Markii aan faalada ka diyaariyey ee aan lahaa hawsha
komishanku gacanta ku hayo calaamatu su'aalbaa
saaran oo khalad weynbaa ku jira qaabka hawsha loo
maamulay isla markaana waxa jira calaamado muujinaya
khiyaamo iyo cadaalad darro uu komishnku sameeyey
iyo musuq-maasuq ay hawl-wadeenada goobuhu sameeyeen
oo qof waliba dhawr kaadh buu qaatey, dadbadan baa
liqi waayey,tobanaan email baa la iisoo qorey oo
warbixinteyda lagaga andacoonayo,kuwo kalena
website-yaday iisoo mariyeen jawaabahooda isku soo
wada duuboo xaasaasiyad badan baa laga
qaaday,taasina waxay ka dhalatay xogta iyo runta ay
warbixintu xambaarsanayd,waxa laga dagaalamayaana
wax kale maaha,ee waxa weeye "maxaad noogu
qarxinaysaa wixii aan qooshanaynay?
Waxa jira xogo kale oo wali qarsoon oo aan anigu ka
war hayo intii hawsha gacanta ku haysayna ay
ogyihiin oo aanay dafiri karin.Waxa ka mid ah in dad
aan wadankaba joogin oo qurbaha degan kaadhadh loo
qaadey,dadkaasi waxay direen sawiradooda iyo
lacag,maantana wuxu haystaa labo kaadh isagoon faro
laga dhigin sifihii sharciga ahaana usoo marin.
Musuq maasuqaa iyo khiyaamadaa waxa sameeyey
hawl-wadeenadii goobaha diwaangalinta ee komputerada
gacanta ku hayay cid illaa imika arimahaa daba
gashay oo baadhayna ma jirto.
Akhriste marka ay dhacday in qofku toban kaadh iyo
inkabadan qaatay ee sidii kiniin dhakhtar u qorey uu
lixdii maalmood subax walba hal-xabo qaadanayay... .Marka
ay dhacday in dad aan dalkaba joogin kaadhadh loo
sameeyay sidee loogu kalsoonaan karaa kaararka cod-bixinta
iyo kuwa jinsiyadda?
Marka ka shicibka ahi uu wax sharci darro ah la
shir-yimaad waxay ahayd in ka shaqaalaha ah ee
hawsha qaran lagu aaminay uu sharaftiisa iyo
sharafta dalkiisa ilaaliyo isagoo ixtiraamaya
himilada fog kana fogaanaya wixii diwaan-galinta
fadeexad ku keenaya.Laakiin sida aan wararka xogta
ah ku helnay kuwa shaqaalaha ah ee hawsha faraha ku
haya ayaaba dhiiri-galinayay arimaha laaluushka oo
hadii aan la laashuushin komputerkuba cilad kama
baxayn,cid aan faro laga dhigina kaadh ma helayn.
Arimaha la yaabka leh waxa ka mid ahaa reer walba
wuxu sii ogaanayay kooxda degaankooda imanaysa iyo
goob walba kuwa ku qoran kuwa ay yihiin,habeenimada
ay xarunta gobolka kusoo hoydaan koox kastiba waxa
qaabilayey dadkii loo sii qorsheeyey ee kharashkooda
u hayay.Hawl-wadeenada goobtu waxay shaqada
bilaabayeen iyagoo iibsan sidii
ciyaartoyda,masuuliyiinta komishanka ama kuwa
diwaan-galintuba markaliya iskuma dayin inay
musuq-maasuqa ceynkan ah ka hortegaan ama
xakameeyaan imikana rajo buuran lagama qabo inay
khaladaadkii dhacay iyo kaadhadhka bugta ah ee la
bixiyey iyo tiro-koobkii dhacay xal u
helaan.Waayo,mar hadii qofka hal mar oo kaliya faro
laga dhigay toban kaadhna la siiyey suuro-gal maaha
in arintaa xalkeeda la helo.
Gudoomiyaha diwaan-galintuna nin lagu kalsoonaan
karo maaha waa nin isku dhexyaacsan inta uu maanta
leeyahay konton kun oo meel ku qarsoonaa baan arkay
muxuu maalintii u horeysay u sheegi waayey.
Ismaciil ma labo bilood kadib buu ogaaday in
gobolkii uu xaasiday uu ahaa gobolkii uu kasoo
jeeday.Caku.........Maalinbay uga ekeyd inuu ceebta
gondihiisa taal ka gaashaanto.
Jaw Qalinle (korwaayeel@hotmail.com)
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Cabdale Farah Sigad oo degan Ingiriiska
Diwaan Galinta soomaliland waa Axankii Awdal iyo
Aaskii Soomaliland iyo Kobcintii Beesha dhexe.
..Dec,26,2008
(Hargeysa 417,000+Burco 315,00 +Saaxil
51,000=783,000 + Iyo inkale oo soo socota) Maanshaa
Allaah intaasoo wada Isaaqa
Diwaangalinta Somaliland ka dhacaysaayi maaha mid
rajo fiican u soo kordinaysa dalka laakiin waxay
rajo iyo mustaqbal fiican unoqonaysaa beesha dhexe
ee reer sheekh Isaxaaq oo lambarka ay ka helaan
Somaliland kula tartami doona beelaha koonfurta,
halka beelaha kale ee dalka dagaayina ay qarka ugu
saranyihiin in ay jiritaankooda waayaan. Waxayna u
egtahay in ay usocoto diwaangalintu siyaabo u kas ah
oo aan dan u ahayn cid kasta oo jecel jiritaanka
Somaliland.
Tusaale hadaan ka bixiyo siyaabaha qaldan ee ay
hawlaha diwaangalintu usocdaan iyo siraha kulaaban
oo qofkii in uun caqli caafimaad qaba lehi uu garan
karo.
Calaamadaha iska cad ee ina tusi kara in qaladaad
loo kasayaayi kujiro hawalaha diwaan galinta ee
Somaliland waxa kamida sidaan wada ognahay in
qiyaasta kasoo baxday Hargaysa iyo Burco ay aad
iskugu dhawyihiin taasi oo aan caqliga galayn.
Wa’ayo hadiiba hargaysa loo ogolaado oo laguba
qadariyo caasimad ahaanta, iyada oo laguna
xaqsiinayo dadka hargaysa iska diwaangaliyay in ay
qaarbadan oo kamidii kakala yimaadeen gobolada kale
ee dalka , loona qiro in ay waligeedba caasimadi ka
dad badnaan jirtay magaalooyinka kale.
Laakiin waxa layaable sobobta keentay in ay Buco ku
tiro dhawaato Hargeysa sobobtoo ah marka Burco la
eego waxa daga qayb kamida laba lafood oo ka soo
jeeda qabiilka Isaaqa, mana laha dhul beereed ay ku
ururaan dadku. Dadka gobolka togdheer kudhaqani waa
dad reer guuraaya labada lafood ee dega togdheerna
qaybo kamidii waxay iska diwaan galiyeen Hargeysa
hadaba burco oo ahayd in ay Boorama ka dad yaraato
siday ku dhacday in ay tirada kasoo baxday ay
hargaysa ku dhawaato?
Hargeysa 417,000vBurco 315,00
Sobobta kaliya ee lagaga jawaabi karo su,aasha ah
siday Burco kaga dad badnaatay Boorama ama ay uugu
tiro dhawaatay Hargeysa waxay noqonqysaa in qofkasta
oo reer burco, ah ama reer togdheer ahiba uu sadex
jeer is diwaan galiyay halka dadka boorama
kudhaqanina sidaan aniguba indhahayga ku arkay
xaafadiiba labo qof uuni ay iska diwaan galiyeen.
Tanina maaha wax qarsoon oo komishanka diwaangalinta
ayaaba qirtay in dadka hargaysa iyo burco
kudhaqaniba ay dhawr dhawr jeer is dawaan galinayeen,
iyadoo booramana dadku meel ay iska diwaan galiyaan
ay la,aayeen.
Hadaba markaad eegto arimaha ay wadaan dadka
diwaangalintan wadaayi waxay u egtahay in
maskaxdooda iyo maankoodu aanu waxba ka xishoonayn.
Qaabiil jacaylkooduna uu ka xoogbatay qaran
jacaylkooda.
Diwaan galinta maanta kadhacday somalilandna waxay
markhaati unoqonaysaa doodihii iyo waxyaalihii ay ku
andacoon jireen soomalida konfurtu, taasi oo ay
markasta yidhaahdaan amaba ay caalamkaba usheegaan
in qabiil isaaq layidhaa oo kaliyihi uu dago
Somaliland qabiilna uuna noqon karin qaran.
Hadaba hadii la doonayo wax qaran u eg, oo caalamka
laga iibiyo waa in ku dar darsiga iyo ka googoynta
la joojaa hadiise larabo in qabiil kaliya wax loogu
raadsho waxa haboon in aan been la isku sheegin oo
qabiil walba raadsado xaqiisa
Hadaan u baydhno dhanka gobolka Awdal oo ah gobolka
kaliya ee ay dagaan dad aan isaaq ahayn ee ay wali
kasoo baxday natiijada diwaan galinta oo noqotay
waliba meesha kaliya ee tiradeeda marna wax lagu
daro markii la doonana laga gooyo. Waxan wada
ognahay in uu dagaankani yahay dagaan aad ubalaadhan
oo ay dagaan dad beeralay ah oo maguuraan ahi, mana
dhici karto in kaliya tirada dadka reer Awdal ay
moran gasho.
Waxase layaab leh dadkii matalayay gobolka ee
mucaarid iyo muxaafidba ahaa waxa ay uga aamuseen
arintan diwaangalinta ee aad moodo in loogu tala
galay in Awdal looga dhigo Axankii lagu sabootiyayay.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolkani waxay noqdeen
qaar kaba xishooda in ay u hadlaan gobolka taasina
waxay keentay in dhigooda kasoo jeeda beelaha dhexe,
oo ay ka dhaxaysay xafiiltan iyo xeelado siyaasadeed
ay maanta gool madhan oo ay siyaasiyiinta awdal
baneeyeen ay kubad ku laagaan.
Iyada oo beelaha kale ee soomaliland ee aan ahayn
beesha dhexe ee isaaq dhamaantood kuwada dulmanyihii
diwaan galinta hada socota hadana waxa laf jab wayni
maanta kuyimid dadka reer Awdal oo ah rukunada
soomaliland. Hadaba wax kasta oo la qoro ama laga
hadlo oo aan ficil iyo wax ka qabad lagu darin waxa
dhaanta in la iskaga aamuso laakiin hadana damiirka
ayaa diidaya in dadka reer awdal ay ka wada aamusaan
waxa maanta ka dhacaya gobolkooda waxase nasiibdaro
ah iyada oo aanay jirin ficilkii wax lagaga
qabanaayay taasina maanta waxay dadka reer awdal
gaadhsiisay in lagu rido hog aanay waligood ka soo
bixin oo mijihii muuqan jirayna ay maanta qarsoomeen.
Gabgabadii hadii aan yara bayaaniyo waxyaalaha sii
cadaynaya in diwaan galintu tahay mid dano gaara
laga leeyahay oo lambarada tirooyinkuna yihiin qaar
aan jirin oo inyar uuni iska alufanayso waxa kamida
in komishanka diwaangalintu la noqday tiro marka
horaba saqiir ayayd oo ay ku tilmaameen in ay awdal
usoo biirtay taasi oo u ekayd mid ku timid khajilaad
iyo cabsi ka timid komishanka iyo kuwa faraha ku
haya arimaha diwaan galinta oo kabaqay in lagu fahmo
farsamada khiyaamada ah ee ay wadaan. Laakiin nasiib
wanaag dhagar qabe dhulkaa udhaqdhaqaaqee la
noqoshada ay tirada la noqdeeni waxay cadaynaysaa in
ay marka horaba Awdal siiyeen tiro jeebkooda uun
kasoo baxday oo tirakoob daacad ahi uuna kasocon
dalka, diwaan galintuna tahay Aaskii Jamhuuriyada
soomaliland iyo Axankii Awdal.
Cabdale Farah Sigad
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Maxamuud Ismacil
Kaahin Chicago USA
Waxa aad moodaa in marna dadkiinu dareen laheyn oo
kol kol ayaad is odhaneysaa horta dareenka iyo
dhiigi xagee ayuu idiinka dhamaadey.
Hadaad tihiin reer awdal,kolna waxaad jawaabtaa
helaysaa marka aad aragto dadkeena reer awdala anagu
isku jeedno oo in dhiigii aanu laheyn bilaashkaas ku
dhamaadey oo mid walaalkeyn ah uun aanu ku jeedno.
Aan u soo dhaadhaco xogta iyo arimaha socda ee
jaarkeena ka jira, mar walba intii akhrisatey
maqaaladeyda ilaa iyo mudo waxay ku dheehnaayeen
waar diwaan galintan soo socota maxaa nooga
gadhiisha hadaanu nahay reer awdal madaama kolna
aanu ku heleynin xaqii aanu laheyn .taas wey socon
weydey oo dhagna jalaq waanu u siinweynay hadaladii
salaadiinteena ka soo yeedhahyey ee cadhada watey oo
waanu tageeri weynay odayaasheena hadalada ka soo
yeedhayey oo waanu odhan kari weynay anagu marna
raali kama nihin diiwaan galin wax kasta oo ay
noqotaba.
dhacdey maxayse ku danbeysay ayaa meeshan hadaba
maanta na hortaala waxa na horyaala 180.000 oo qof
ayey reer awdal noqdeen gobolka MAROODI JEEX la
yidhina 500.000 nus malyuun ayuu noqdey ayaa maanta
na hortaala oo dhagaheena ku soo dhaceysa hadaba waa
su,aale ma anagaa diiwaan galintaa ka qeyb galin
mise dadkaan ogeyn ee hurdada iyo jiifka diiday iney
nabad iyo dowladnimo qataan ee la inkirayo ee la
leeyahay computer ayaa xumaadoo 133.000 ayaad
aheydeen waan idiin kordhinay 180.000 ayaad noqoteen.
Waar mawaxaas ayaanu maqalnaa oo damiir ku
leenahay.waar samaroonoow ismaqalka maxaa idiin
diiday oo dadnimada idinka qaadey inaan ceytamo ma
jecleyn lakiin dhiig ayaa iga keenayo iyo cadho
badan oo aan loo dulqaadan kareyn .kursiga ugu
sareeya ayaad ku fadhidaa dharag nooma noqoto isaaq
oo aan ognahay inuu sina nooga badneyn oo isa soo
leynay isa soo dhacnay soo heshiinay maanta waxaa
idinka badan gobolka MAROODI JEEX dee walaalyaal
qeyrkeen lama ag istaagi karnee meesha dowladi ma
jirtee nagu kala kaxeeya ayaaba banaan.
Afka kuminshanka waxa ka soo baxay maalmahana waxaan
u arkaa walaahi jees jees iyo midi ayaan kugu taagay
dabadeedna waan kugu lux luxayaa waar siyaasigeenee
mee aqoonteenii meedey ,wadaadadeenii mee ,saladiintii
mey khuurinayaan .walaalayaalow xaal garan meynee
sidan aan ka kacno .wasalaamu
calaykum waraxmatulaah MAHAMOUD ISMAIL KAHINKAHIN76@YAHOO.COM
------------------------------------------------------------------------
Halhayska
Afrika waa Aamusa waa ula
Maqaalada ku wajahan arinkan kusoo hagaaji
Saylacnews@yahoo.com
|
|
|