| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Waxan Taageersanahay Mashruuca dhismaha Garoonka kubadda Cagta ee Biroole.Jul-17-2007
Waxan soo dhawaynayaa Hindisaha Duqa degmada Boorama Cabdi shide bile,waxan sidoo kale hambalyeynayaa dhalinyarada qurba jooga ah oo durba si diiran uga jawaabtay codsiga dhalinyarada sportiga ee gobolka iyo dhalinta iyaguna iskuna dubba riday mashruucan dib loogu dhisayo Garoonkii kubadda cagta ee borama.
Garoonka kubbada cagta ee boorama oo la dhisaa wuxuu wax wayn ka bedeli doonaa hanaanka sportiga,wuxu dhisi doonaa hiyiga dhalinyarada soo koraysa.

Dhalinyarada Sportiga ee gobolku ma haystaan Garoon ay ku dheelaan kubadda cagta iyo ciyaaraha kala duwan ee sportigaba.
Ma haystaan Garoon ay ku marti galiyaan ciyaartoyda gobolada ama degmooyinka kale ee dalka uga yimaad wakhtiyada la qabanayo ciyaaraha saxiibtinimada.
Dhalinyarada reer borama marka ay maqlaan koox ciyaartoy ahbaa imanaysa waxa markaaba qalbiyadooda ku soo dhaca Garoonka Biroole ee dhanka waqooyi kaga yaal magaalada,Garoonkaas oo ah meel banaan oo aan haba yaraatee lahayn astaan garoonkubadeed,marka laga reebo labada birood ee garoonka loogu magacdaray (Biraha goolasha).Xilli roobaadka waxa ka dilaaca boholo,biyo qabatin.
Imikana waxa ku socda boob,waxa jira dad aan danaynayn,oo aan garanayn qiimaha garoonkani uleeyahay mujtamaca iyo magaaladaba oo garanaya kaliya guri la dhiso.Sidaas awgeed dhalinyaradu waxay ubaahantahay in garoonkaa loo badbaadiyo oo loogu xidho dayr.

Dhanka kale Garoonka kubadda cagta ee magaalada boorama oo la dhisaa wuxu qayb wayn ka qaadan doonaa bilicda magaalda.
Sidaas darteed waxan ku boorinayaa bulshada Reer Awdal meelkasta oo ay joogaan inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka kubadda cagta ee Biroole gaar ahaan qurba jooga."Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan".

Afeef
Anigu ma gabyo mana heeso mana haweysto,oo hal abuur ma ihi laakiin bal dhawr hal oon holladay aan hadalkeyga kusoo xidho.

Garoonkaa la dhacayaan lahaa maanta sees dhiga e
Inaan jabiyo dhagaxiyo inaan biyaha soo dhaansho
Kolba dhinac ha joogtee haddaan dhoobo gadayaaye
Ninkastaa dhankiisaa la sugi inuu dhaqaajaaye
Dhudhun wada jiraa lagu dhisaa lagu dhameeyaaye
Ninkastow dhantaalaha ka dhawr dhagaxdhig weeyaane.

Jowhar Cabdisamad Qalinle(korwaayeel)





 
 
            Nala soo xidhiidh emailka ah saylacnews@yahoo.com

- To Submit Information Click here--

 

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com