|
|
 |
|
|
Maxaa lagu
xasuusan doonaa abwaan
Jan-19-2009 by/ Mukhtar Abdirahman
Abdillahi
Xasan SHeekh Muumin Gorod.

"Waa qaali nabaduye
Nin qumaati uladay
Qushigii umeeel maray
I dinkuba qiyaasoo, hadii aan qalooc
jirin
Miyaad qiri lahaydeen.
Waa qodob su'aaloo qof waliba siday
tahay ha uqaato leeyahay……….. Abwaan
Xasan sheekh Muumin ."
"Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa
Dalkeena hooyoo horumaraan ku haminaa
Ma hagranee waan u hawlgalnaa
Murtidaan curinaa kala hufnaa u heedanaa
Dadweynahaan hanuuninaa
Haasaawinaa danta u hagnaa ……………..
Abwaan Xasan sheekh Muumin."
Dunidan aanu guudkeeda ku noolnahay ayaa
mowluhu ku manaystay shakhsiyaad
usaaxiiba moohibooyin iyo qiyam
sare.kuwaasoo sharaf iyo qadarin sare ka
mutaystay bulshooyinka ay lanoolyihiin.
Ummada soomaaliyeedna kama madhna
shakhsiyaad lag hirto kuwaasoo u'ah
astaan iyo illo ay ka soo burqadaan
wacyi-galinta ummadu, si loo hello
hanaan iyo anshax sare oo hillin-toosan
u horseeda jiritaan ummada xag
dhaqan-dhaqaale iyo dhaqan ahaanba.
Haddaba (17.Jan.2008 ) waxay ahayd
habeen dhiillo xanbaarsan oo aad
ucuslayd naxdin aan laqiyaasi karina ku
lahayd guud ahaan shacabka soomaaliyeed
meelkasta oo ay joogaanba
Kadib markii uu dunidan ka xijaabtay
alla ha u naxariistee Abwaan Xasan
SHeekh Muumin oo ahaa astaantii fanta
iyo Hiddaha soomaaliyeed, kaasi oo ahaa
cilmi-dhowre(library) kagalbaday ummada
soomaaliyeed. Abwaan muumin yaa ahaa
shakhsi qiyam iyo martabad sare ugu
fadhiday bulshadda soomalida.
Dh inaca kale mahadhooyinkii sugaaneed
ee fanaanka ayaa iyagu ah, dhaxal reeb
wanaagsan kusii baaqi noqon doona
qalbiyadeena, dadka qalinka ehelka u'ak
iyo guud haanba bulsho weynta
soomaaliyeed.Abwaanka yaa hormood u'ahaa
abwaanda soomaaliyeed ee faro ku
tiriska'ah ee aan habayaratee ku dhex
mil-min collaadaha sokeeye ee soomaalda
taas macnaheedu waxa weeyi wuuxuu ahaa
astaan qaran oo lasoo haweysto, sidoo
kale abwaanku wuxuu kaqayb-qaatay
gobonimadoonkii soomalida (soomaaliya
iyo jabuutI)
N oolaba waa dhinte, shakhsiyaddan
qiimiga weyn inoogu fadhiday ayaa ahaa
halyeey inaga baxay guud ahaan ummada
soomaaliyeed gaar haana ummada reer
Awdal oo uu Abwanku dhalasho ahaan ka
soo jeedo ahna halka fanka soomaaliyeed
kasoo unkamay.
Sida auu tibaaxayaayey war-saxaafadeed
ay soo saareen ururka gurmad eek y
hawlan dhismaha garoonka kubbada cagta
ee boorama, ayaa garoonka loogu
magacdaray (xasan sh.muumin stadium)
Kaasi oo sida aan filaayo munaasabad
balaadhan loo samayn doono magic-bixnta.
Taariikh nolaleedkii abwaanka oo kooban.
Alla ha unaxariistee Abwaan Hasan SHeekh
Muumin waxa uu ku dhshay magaalda Borama
ee gobalka Aawdal, sanadkiii 1930 kii.
Waxaa dhallay sheikh muumin oo ahaa
mufti aqoon sare uleh diinta xaniifka ah
ee islaamka ,taasi oo ku tusaysa
maqaanka abwaanka ka soo dhex-hiray qoys
diiniya ku soo bar-baray asluub iyo
dhaqanka diimeed oo heer sareeya.
A bwaanka ayaa lahaa xirfado dhowra sida
ganacsade,macallin aad loo xushmeeyo
.1965-1968 ayaa abwaanka waxaa loo
qaatay Radio muqdhiso, si uu u hal
abuuro maansooyin, heeso si uu uduubo
barnaamijyo hiddaha iyo dhaqanka
soomaaliyeed, kuwaasoo laga sii dayn
jiray Radio muqdisho.
1968kii wuxuu kamid haa shaqaalihii
waaxda hiddaha iyo dhaqanka ee
wasaaradii waxbarshad iyo bar-baarinta
ee soomaaliya, waxaa kaloo abwaanku
mareeye guud ka noqday golihii murtida
iyo maddadaalda ee hargeysa(hargeisa
national theatre.)
Mahadhooyinkii suuganeed ee abwaanka.
A bwaan Hassan SHeekh Muumin u'ahaa
mu'alif weyn, jillaa, iyo hal abuure
tayo sare leh, wuxuu hal abuuray suugaan
aad tiro badan, balse waxaan idiin soo
tabinyaa in uu qalinkaygu ka haleelo.
Ruwaayaddaha abwaanku maankiisa ka soo
maaxday waxaa ka mid ah ku wan hoos ku
xusan:
Hubsiimo halbaa la siiistaa waxa
ladhigay sanadkii ……… 1966kii
SHabeel-naagood……………………………………………………
1967kii
Gaaraa-bildhaan……………………………………………………..
1970kii
Ehlu-naarka aduuyo………………………………………………..
1971kii
Dunidu maskaxbay magan utahay……………………………….
1972kii
Dhaaman ruwaayadahaasi yaa ka
turjumaayey hab-nolaleedka bulshada
soomaaliyeed xag dhaqan-dhaqaale iyo xag
walba si hadba loo toosiyo masiirka
ummada iyo kor uqaadida wacyi-galinta
ummada hiddaha iyo dhaqanka,Abwaanku wa
uu aha maskaxdii dunida oo malaasan,
suugaanta abwaanka qaar yaa loo min
guuriyey afka ingiriisda gaar ahaan
ruwayad hal qoranta ah ee shabeel
naagood oo uu turjumay prof.
B.W.ANDREZEJEWSKI 1974, oxford
university press, London.(leopard among
the women)
Waxa kaloo abwaanku lahaa heesaha
wadaniga'ah, heesaha la xidhiidha
waxbarshada heestan, waxa kaloo abwaanka
ahaa warshad soo saarta fanka
soomaaliyeed, waxaa uu soo gac qabtay
xidigaha fanka ee soomaalida ugu caansan
ku soo baxay ruwayad shabeel-nagoog
Axmed Cali CIgaal, HIbo Max'ed Hodoon(
HIbo Nura) iyo Maryan Mursal
Heesta/ goronyada(Hibo nuura) goroyadu
ilmaheedaaroori bey dhigtaayooaboodigu
ku laayaashimbirtuna arooseyila xidhoo
madaw beyubadkeeda seexisaakala huran
labaduyeedebtiyo aqoontiyoasluubey isku
dhaafeencaqligii wanaagsaniitaal inuu ka
roonyahaybaleegoo u fiirsadaailka weynow
maroodiguaradaduu dhistaabaacadawgu ka
ugaadhaaaboorkuna dudumadaanaragney buu
dhistaayonaftiisa ku ilaaliyaakala huran
labaduyeedebtiyo aqoontiyoasluubey isku
dhaafeencaqligii wanaagsaniitaal inuu ka
roonyahay baleegoo u fiirsadaama
ogtihiin sakaaraduawaarahay
qodaayoosaaladeeda ku aastaalibaaxuna ma
astureeilinaduu ka arooraasaaladiisa ku
aragtaakala huran labaduyeedebtiyo
aqoontiyoasluubey isku dhaafeencaqligii
wanaagsaniitaal inuu ka
roonyahaybaleegoo u fiirsadaa Heesta/
hubsiimo(laxanka axmed cali cigaal) Inuu
haad habeen kaco,Heehaabo
heegadaHafiyaan dabayluhuHiddihiisa
maheeHadimada u baaqdeeKala hadashay
samadeeHoygii ka saartaaU horseeday
halistee!Hablaha tii hanweyneeHal-adag
baanHallayn haybadeedee!Haye
fududHabeenkaan lahaabay hayeHubsiinadu
huunoHabboonayd!Jiilaal
hawaawiray,Halasaha kaliileedQof
harraadan oo helayHaan quruxsan oo
hilan!Ku haliilay oon hubinWaxa hoosta
kaga jiraHalaq cuni ku soobaxayHaaraan
fudaydkiiHablaha tii hanweyneeHal-adag
baanHallayn haybadeedee!Haye
fududHabeenkaan lahaabay hayeHubsiinadu
habboonayd;Naftu inay hillowdoy,Hamidoo
hawaawidoHigsataa waxaanay haynWaa
himiladeedee!Herkaay joogtabaHirkalaa u
hillaaceeHebed baa haween dilay!Ragna
heeryadii cune!Hablaha tii
hanweyneeHal-adag baanHallayn
haybadeedee!Haye fududHabeenkaan
lahaabay hayeHubsiinadu huunoHabboonayd;
Qalinkii hiddaheena
W.Q: Mukhtaar C/raxmaan C/laahi (Awdalli)
awdalli@gmail.com
|
|
|
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|