|
|
 |
|
| |
Faallo:
Ma dhabaa in Togdheer iyo
Waqooyi galbeed tiro-koob ka dhacay oo waliba qof
waliba dhawr kaadh qaatey, Awdal-na diwaangalin
qabyo ah laga sameeyey?Dec,22,2008
Hadalkeyga waxan ku bilaabayaa su’aal aan waydiinayo
Xukuumada Somaliland iyo Komishanka qaranka ama
komishanka qabiilka qofba siduu u yaqaan. Su’aashu
waxa weeye "waxa Hargeysa iyo Togdheer ka dhacay
Tiro-koob mise diwaangalin midkeed ku sheegeysaan?
Xaga hoosaan kaga faaloon doonnaa arimahan ee Marka
hore aan si kooban u kala saarno labada weedhood ee
diwaangalin iyo tiro-koob. Marka la tix-galiyo
ujeedada diwaangalinta somaliland laga lahaa "waa in
qofka qaangaadhka ah la siiyo kaadhka codeynta iyo
ka jinsiyada. Tiro-koobna macnaheedu waa
madaxtaabasho si loo ogaado dadka manadaqada degan
yar iyo weyn" inta badan waxa laga sameeyaa
tirakoobka ceynkan ah xeryaha dadka lagu quudiyo,
waana madax-taabasho.
Marka hore waxan salaamayaa akhristayaasha sharafta
leh, marka xiga waxan aad ugu faraxsanahay sida
tirakoobku uga dhacay goblalada Togdheer iyo
Waqooyigalbeed, Waxanse ka xumahay sadex arimood:
Midi waa tirakoobka komishanku ka qabtay labada
gobol ee W.galbeed iyo Togdheer halkii la isku ogaa
in komishanku diwaangalin ka sameeyo gobolada dalka,
isla markaana la diwaangaliyo dadka codkooda dhiiban
kara ee sharcigu ogolyahay oo kaliya.
Arinta labaad ee aan ka xumahay waxa weeye sida
tirakoobka loogu noq noqday iyo waliba sida kolba
magaalo iyo gobol loogu camiray. Ta sadexaad oo
iyadna wax laga xumaado ah waxa weeye ‘Laaluush
gurashada hawl-wadeenada diwaangalintu sameeyeen ee
ay ogolaadeen inuu qofku dhawr kaadh qaato."
Ujeedada ugu weyn ee laga lahaa diwaangalintu
waxay ahayd labo qodob.
1- In shacbiga somaliland loo sameeyo sumad u gaar
ah (aqoonsi) khaasatan qofka qaan-gaadhka ah.
2- In qofka muwaadinka ah hal-cod yeesho wakhtiga
doorashada, isla markaana la xakameeyo dadka lacagta
la siiyo ee ku noq-noqda maalinta codka la bixinayo
iyo waliba waraaqaha goobaha madhan lala tego ee
sanduuqyada lagu soo gurto.
Labadaa arimoodbaa gundhig u ah hawshan balaadhan ee
lacagta badani ku baxday,waxa la qorey xeerkii
diwaanglinta lagu dhiqi lahaa iyo sidii cidii ku
xad-gudubta talaabo looga qaadi lahaa ka dibna waxa
loo xilsaaray gudi hawshaa fulisa. Laakiin gudigaas
oo u badan niman qurbaha ka tegay waxay ku
mashquulsanyihiin sidii ay fursada dahabiga ah uga
faro-qabsanlahaayeen, gefefka ay galaana waxay ku
eedeeyaan labo nin oo cadaan ah oo dhinaca farsamada
u qaabilsan.
Sida aan la wada socono diwaagalinta waxa laga soo
bilaabay Berbera waxa ku xigtay Boorama.Waxa Berbera
iyo Boorama la isugu xigsiiyey kama foga
madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka dartood. Sidii
aan horey u sheegay Berbera waa magaalo ka mid ah
degmooyinka Hargeysa sidaas darteedna tijaabo weyn
uma noqon diwaangalinta, laakiin meesha lagu
barbartay ee tijaabada ahayd, waxay ahayd gobolka
awdal.
Inkastoo waxa ka dhacay Burco iyo Hargeysa ay ku
haboontahay inaan tirakoob ugu yeedhno waxan
odhankarnaa tirakoobkii dalka laga sameynayay wuxu
si rasmiya uga bilaabmay Hargeysa, hadana waxa loo
gudbay Burco, balse Boorama wixii laga qabtay waxay
ahayd diwaangalintii la isku ogaa oo aan lafteeda
sidii loo baahnaa looga shaqayn.
Qaabkii komishanku uga hawlgalay G.Awdal iyo
habkii diwaan-galintu uga qabsoontay.
1- Goobaha diwaangalinta ee gobolka Awdal 153
goobood.
2- Goobta diwaangalinta waxa la dhigay hal-komputer
oo kali ah.
3- Gobolka Awdal waxa la keenay waraaqo cayiman
markey go’aana waxa loo doonayay Hargeysa.
4- Awdal waxa la diwaangaliyey 17 jir iyo wixii ka
weyn
5- Bilowgiiba waxa cilad lagala kulmay agabkii
diwaangalinta, 61 goobood ayaa macluumaadkii la is
dhaafiyey,waxa labo maalmood hawlgab ahaa 61 goobood
oo aan wax diwaangalin ah laga samayn.Guud ahaan
Goobahaasi, ayaa qarkood kombiyuuteradoodii ku
xidhanaayeen ama ku prograam maysnaayeen degaammo ka
tirsan Berbera, halka kuwa kalena laga iloobay
khadkii isgaadhsiinta, qaarna aanay la socon khadkii
printerka ama daabacada.
6- Waxa la soo weeraray Afar goobood oo ka mid
goobaha diwaangalinta ee gobolka kuwaas oo gabi
ahaanba aanay wax diwaangalin ah ka dhicin kadib
markii agabkii diwaan-galinta halkaa laga dhacay.
7- Maalintii labaad ee diwaangalinta waxa dil
toogasho ahi ka dhacay goob ka mid ah goobihii
diwaangalinta ee magaalada Borama gudaheeda, waxa
dilka gaystay askari Hargeysa laga keenay oo ka mid
ahaa askartii goobta ilaalinaysay, waxa halkaa ku
qudhbaxday gabadh u soo kallahday inay kaadhka
aqoonsiga iyo ka diwaangalinta qaadato, qaarkalena
way ku dhaawacmeen, taasi waxay keentay in waalidka
intiisa badani ka joojiyaan dhalinyaradooda goobaha
la iska diwaangalinayo.
8- Maalintii afraad ee diwaangalinta waxa go’ay gabi
ahaanba waraaqihii kaadhadhka,sideedii subaxnimo
ilaa 3dii galabnimo haba yaraatee hal-qof degmada
Boorama lagama diwaangalin, maalintaasina waxay
ahayd maalin luntay oo u baahnayd in loo magdhabo.
9- Shaqaalaha komishanka ee gobolka ka hawlgalay
waxay dhanaayeen 324.
10- Baabuurta hawsha fulinaysay ee komishanku
gobolka u qoondeeyey waxay ahaayeen labaatan baabuur.
11- Goobta diwaangalinta waxa la furayay sida
caadiga ah todabada subaxnimo 12ka duhurnimana waa
laga qado tegayey, waxa dib loo furayey 1:30 ilaa
1:45 pm, waxa la xidhayay 6:00 maqribnimo.
12- Mudo hal saac ah 10:00 barqada ilaa 11:00 waxa
la qaboojinayay Komputerada oo ay shaqaalaha gacanta
u hayay sheegeen inay kululaanayaan halka Berbera oo
intey doonto ka xaraarad kulul Boorama aan la maqal
kombuutarbaa kululaaday !!!! Isku cel-celis ahaan
saacadaha diwaangalinta ee gobolku waxay ahaayeen
maalintii 8 saac oo kaliya ama lixmaalmood oo min
sideed saac ah = 48 saac,taasi waxay ka dhigantahay
in gobolka afar maalmood diwaan-galintu ka socotay,
halkii ay ka noqon lahayd 6 lagu dhuftay 12 saac= 72
saac.
13- Hadii lagu daro maalintii ay waraaquhu
go’naayeen oo ahayd 8-dii subaxnimo ilaa labadii
duhurnimo waxay noqonaysaa 42 saac,hadii lagu daro
maalintii qaraxu wadanka gil-gilay oo gabi ahaanba
goobaha diwaangalintu shaqada joojiyeen galinkii
danbe, guud ahaanba saacadaha gobolka awdal ay
diwaangalintu kasocotay waxay noqonaysaa 36 saac.
Taas macnaheedu waxa weeye "diwaangalintu waxay
gobolka awdal ka socotay sadex maalmood oo kali ah.
14- Intaa waxa dheeraa Shaqaalaha hawsha gacanta ku
hayay oo aad u gacan cuslaa iyo komputerada oo
cilado joogta ah lagu sheegayay iyo waliba
matooradii dabka dhalinayey daarmi waayey.
15- Maamulka gobolka iyo ka degmada oo dadka uun
kala mid ahaa arimaha diwaangalinta isla markaana
aan waxba kala socon waraaqaha gobolka la
keenay,shaqaalaha iyo agabka.
16- Maalintii bishu ahayd 29 Oktoobar oo ahayd
maalintii qaraxu ka dhacay Hargeysa waxay ku
beegnayd maalintii ugu danbeysay diwaangalinta
gobolka,saacadii qaraxu dhacay oo ahayd 10:00 kii
subaxnimo markii warka qaraxa lasoo sheegay waxa
gabi ahaanba isbedelay jawigii guud ee dalka iyo kii
diwaangalinta, shaqaalihii hawsha gacanta ku hayay
waxay sii wadi kari waayeen hawshii diwaangalinta
dadweynihiina markii ay warkii maqleen waxa gashay
cabsi la xidhiidha qaraxa iyo waxa kasoo bixi kara
warka sheegaya in madaxtooyadii dalkaba la
burburiyey, taasi waxay sababtay in dadkii goobaha
joogay ka dareeraan kuwii kusoo qul-qulayay ay dib
uga noqdaan.
17- Komishanka qaranka oo aan wax diyaar garow iyo
hubin ah ku samayn agabka, isla markaana aan
waxgaradka iyo maamulka gobolka wax la tashi ah la
samayn. Intaasi waa qeyb ka mid ah waxyaalihii
muuqday ee gobolka awdal ka dhacay maalmihii
diwaangalinta, inta qarsoona markale ayaan ka
faaloon doonaa.
Qaabkii komishanku uga hawlgalay Hargeysa iyo Burco
iyo sidii Tiro-koobku uga dhacay.
Hargeysa iyo Burco lama odhan karo diwaangalin baa
ka qabsoontay waxan odhan karnaa waxay ahayd
madaxtaabasho (tiro koob) waliba lagu noq-noqday.
Arintaasina waxay kasoo baxday saraakiisha gudiga
diwaan-galinta iyo haw-wadeenadii goobaha oo sheegay
in lacag lasiiyey. Sida ay Hargysa iyo Burco wax uga
dhaceen waxan u kala saarynaa labo weji:
Midi waa ta dhalaanka toban jirka ah la
diwaangaliyey oo waa mid u taal wasaarada
daakhiliga,ta labaadna waa ku noq-noqoshada qof
waliba dhawrka kaadh qaatay taasina waa mid u taal
ha’yadii arinta gacanta ku haysay oo la filayo inay
soo saarto khaladaadka diwaangalinta laga galay si
ay dawladu talaabo uga qaado.
Hadii aan si kooban uga hadalo kala duwanaanshaha
qaabkii diwaangalintu uga qabsoontay gobolada dalka
waxad is odhanaysaa malaha hal-wadan maaha waxa
diwaangalintu ka dhacday ee waa kala labo wadan waxa
laga waramayaa.
Waqooyi galbeed.(tiro-koob iyo musuq-maasuq)
1- Goobaha diwaangalinta ee W.galbeed 427 goobood.
(H.337+90 Ber)
2- Xarunta komishanka ee degmo kasta waxa la dhigay
waraaqo dheeraad ah
3- Waxa la diwaangaliyey 10 jir iyo wixii ka sareeya
4- Komputerada goobta 3-4 komputer goobtiiba.
5- Shaqaalaha ama hawl-wadeenada komishanku direy ee
ka qeyb-qaatay tiro-koobkii W/galbeed sadex kun.
6- Baabuurta ka qeyb qaadatay 300 gaadhi.
7- Saacadaha diwaangalintu socotay 14 saac maalintii
oo u dhiganta 7 maalmood.
8- Waxa shaqaalaha komishanka lagu wargaliyey inayna
shaqada joojin wakhtiga qadada oo ay komputerada ku
dul qadeeyaan.
9- Diwaangalinta ka hor waxa komishanku sameeyey
diyaar-garow wayn si aanay saacad kaliya shaqadu
hakad u galin.
10- Diwaangalinta Hargeysa waxa ka hadlay
madaxweynaha iyo gudoomiyaha guurtida oo dadka ku
dhiiri galiyey inayna yar iyo weyn u kala hadhin
tiro-koobka.
11- Komishanka qaranka oo si heer qaran ah ugu
diyaargaroobay doorashada Hargeysa iyo Burco dadkana
ku guubaabiyey inay tiro-koobka usoo baxaan isla
markaana wada tashi la sameynayay maamulka iyo
waxgaradka goboladaa.
Togdheer. (tiro-koob iyo musuq-maasuq)
1- Goobaha diwaangalinta 196 goobood.
2- Xarunta komishanka ee degmo kasta waxa la dhigay
waraaqo dheeraad ah
3- Waxa la diwaangaliyey 10 jir iyo wixii ka sareeya
4- Komputerada goobta 3-4 komputer goobtiiba.
5- Shaqaalaha ama hawl-wadeenada komishanku direy ee
ka qeyb-qaatay tiro-koobkii Togdheer labo kun.
6- Baabuurta ka qeyb qaadatay 200 gaadhi.
7- Saacadaha diwaangalintu socotay 12 saac maalintii
oo u dhiganta 6 maalmood.
8- Diwaangalinta ka hor waxa komishanku sameeyey
diyaar-garow wayn si aanay saacad kaliya shaqadu
hakad u galin.
Xogta iyo macluumaadka aan soo ururiyay waxa ka
muuqda in wax walba sidii loogu talo galay u dhaceen
gobolada togdheer iyo waqooyi galbeed (posative)
halka awdal wax walba ay cagsigeeda ahaayeen
(negative), taasina waa sababtii maamulka Awdal iyo
waxgaradka gobolku u qeylinayay maalmihii
diwaan-galintu socotay halka labada gobol ee kale
aan wax hadal ah laga maqal ee lagu raaxaysanayay
sida habsamida leh ee ay wax walba u socdaan oo
ahayd sidii loo baahnaa.
Guntii iyo gabogabadii degaanadu way kala dad badan
karaan, laakiin doodu waxay tahay labo qodob" A)-Gabolada
dalka ma hawl isku midaa komishanku ka fuliyey (tiro-koob
mise diwaangalin)?
Ma si isku mid ah baa looga hawlgalay/loogu
hagarbaxay oo waxa la odhan karaa numberka gobolada
kasoo kala baxay waa mid ku yimid si nadiif ah oo
waafaqsan habka diwaangalinta? Hadii ay jawaabtu
tahay MAYA miyaa la odhan karaa gobol hebelbaa gobol
hebel ka number batey?
Mar hadii gobolada qaar diwaangalin qabyo laga
sameeyey, qaarna diwaan-galin intey dhaaftay
tiro-koob laga sameeyey ma noqon kartaa Kafad
gobolada lagu kala saaro?. Hadiiba ay su’aashu
noqoto HAA oo aan khaladkii dhacay gadaal laga sixin
reer Awdal maxaa la gudboon.
Su’aasha sanadka "Hawsha komishanku ka fuliyey
gobolada Waqooyigalbeed iyo Togdheer Diwaan-galin
mise Tiro-koob" Fadlan kasoo dhiibo fikirkaaga oo
xalaal ah adigoo xumaan iyo xamaasadba ka fogaanaya?
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
|
|
|