|
|
 |
|
|
Xisbigii kulmiye waakaas
kulmis Reereed u digo-rogtaye nimanyahoow maxaa
idiin dan'ah?.
Marka hore eebe weynaan cuskaday magiciisaan
qabsaday,sharaf iyo maamuusna nabigiisaa mudan
maxamed bin cabdillahi (SCW).
April-05-2008
Intaasi kadib,waayadan wax baan sheedaalinayoo,
qoraaladaydii iyo warsidayaashii waan kayara
nastaye, waxaase aan isha ku hayey sida wax
usocdaan oo aad moodo waayadan kadambe in is
reeraysigu somaliland ubadelay hanaankii
dumuquraadiyadeed ee aynu sheeganaynay madax iyo
mijaba.
Haddaba anigoo ka duulaya xaqaa-iqa dalka ka
jira iyo sida wax loo wado ayaan warsidahan
diiradiisu qabanaysaa xisbiga kulmiye, oo
shirweynahoogii labaad u qabsoomay loolan iyo
yulqan badan kadib oo aafeeyey xisbigaasi ay ku
bohoobaan qamaamiirtii SNM. oo iyagu aaminsanba
in dalkani cid kale usheegan karin waana taasi
ta aan qalinka u cuskanayo maanta sida ka
muuqata cinwaanka kor ku xusan.
Waxaanse horta bal sawir guud kaqaadanaynaa
xaaladii iyo marxaladihii uu dalkani soo maray :
Waxa u baryey waa cusub oo farax iyo ray-rayn
badan dadyoow collaad iyo dhiilo xuni saamay,waa
xilligii laga nastay colaadihii is beelo
belaysigii salaysnaa gar ahaan dadyoowga wada
dega waqooyiga somalia(somaliland) kuwaasoo
horaantii sagaashameedyadii muujiyey ifi-faalo
nabdadeed oo wax ku oola,waa xiligii cuqaassha
reer waqooyigu ay udooyeysteen in dadka iyo
dalkan nabad lagu soo dabaalo,halkaasoo kulamo
badan kadib lagu guulaystay in laysgu yimido
shirkii u danbeeyey ee beelaha walaaloobay lagu
qabto magaalada Borama madaxweynihii u horeyna
halkaasi lagu doortay,waxa lasoo gur-guurtaba
waakii madaxweynaha hada talada haya mudane
Rayaale wado dumuquraadiyeed jeexay, oo ah tan
ay hada kufaanaan asxaabta siyaasadu hadaba inoo
soo koobaya maxaa keenay maanta in in isreeraysi
dib loogu xuub-siibto oo layska hilmaamo
dhabadii aynu soo marnay,oo isreeraysigu shaqayn
waayey ?
Hadii aani ildheer ku eegno arimaha u danbeeyey
iyo xisbiga kulmiye oo ah hormoodka is
reeraysiga ayaad modaa in somaliland nabadu
dhibayso , balse aanu daa-degno loolanka
siyaasadeed ee maanta
kulmiye waxaa uu ku faani jiray calaalada sinaan
iyo dumuquraadiyad hada se taasi waa wax soo
gudhay oo xalka ay wax marayaan waa lawada arkaa.
Shirweynaha kulmiye ayaa isagu ahaa mid gabi
ahaanba lamarin habaabiyey oo ay sutida uhayeen
siilaanyo iyo niman ay isku fikiryihiin oo ay
ceesh oo milx isku yihiin. hadii aad miisaanka
saarto waxa kuu muuqata sida wax loo
dhaq-dhaqaajiyey in mudo laga soo shaqaynayey
shirkani oo qorshuna waa iska cadaa cidda
hananaysa jagada Gudoomiyaha iyo G/ku xigeenka
oo taasi waa laga wada dharagsanaa, dulucda
shirku waxa uu ahaa tusid iyo samirsiin looga
danlahaa dadweynaha iin lagu tuso hanaan
dumuquraadiyadeed oo indho-sarcaada, oo halkaasi
lagu hayey maalmihii aanu kasoo gudubnay,
sikastaba ha ahaatee maxaa lama filaan noqotay
in siyaasiyiin mansab sare kulahaa xisbiga ay ka
biyo diidaan sida wax loo maareeyey qarkoodna
madasha kasoo muuqan markii humaaga bug ah laka
soormaayey, hadaba waayo kuwaasi maxayse
tabanayaan ?
C /raxmaan aw cali faarax waa siyaasi weyn oo
reer Awadal ah oo mansab sare kulahaa xisbiga
kulmiye, laakiin waa kabiyo diidey sida wax loo
dhigay waxaana lagayaabaa in cabdiraxmaan ay
saamaysay is baacsiga ergooyinka reer Awdal oo
iyagu ah kuwo kala socda oo iskaba warqabin oo
aad moodaba in badh-badhka kale ucalool
fayoobayn ku darsoo aan lahaynba mabda
siyaasadeed iyo ujeedo ay la shiryimaadeen aan
ka ahayn « ama lay dooray ama daadku iqaad »
iskaa dad iyo dhul ay xaqooga u raadshaane
Hadii aad axadho hadalladii ergooyinka reer
Awadal ay madasha kulmis Reereed la yimaadeen,
waxaad muuqanaya in ayna jirin mabda iyo wax ay
rabaan oo ay sheegtaan, dadkii ay matalayeen
iyaga hadalkooga daaye
Qaarbaa ku magacdoontay lacagihii qurba-jooga
reer awdal oo yidhi taagerayaasha kulmiye ayaa
soo ururiyey bulshadana gacan ufudiyey,
akhristoow bal rog-rog mase isweydiisay goorta
kulmis Reereed masakiinta tabaalaysan ee reer
awdal deeq ufudiyeen mise waxoogaagii
qurbo-jooga ayaa kulmiye code-kiisa ku soo
dhacay ?
Waxaan kaloo naxdin lama iloobaan ah in, Alle
unaxariisaygii waxoogaagii yara bulsha reer
awdal ee Norway ku tacsiyadeeyeen Aabo Abwaan
Xassan Sheekh Muumina layihi kulmiyaa soo
uririyey oo hawshaasi qabtay waa yaabka yaabkiis.
Mase filaysay akhrise in nin ummad baan
matalayaa lihi oo dadkiisa hafro oo kuma magac
doonto, meel waliba kaaga darane waxba uga soo
naaso-cadeyn, oo kulmis Reereed ah.
Maxaase keenay in wakhti xaadirkan ragaasi
kulmiyeysnaa ee cabdiraxmaan ka mid ahaa u
biyo-diiday?
Sidee ayey ergooyinka Basaasay ee reer awdal
shirka uga
Muuqdeen?
Madasha shirka waxaa looga arkaayey ergooyinka
reer awdal, runta aanu ka sheegno kuwa aan kuba
fadhiyan magac ama miisaan culus oo lataabankaro
wayo hadii in uun lasharfaayo Dr cilmi dixood
ninka layidhaadaa kuma uuna soo qaadeen masha
shirka hadalada laga soo wariyey,oo afka gacanta
galiyey, sidana ku tiraabay " Waar Daahir Na
dhaaf hadii kale waad garan 1991 kii sidaad u
jabteen een idiin eryaney ee aad tiinka dabada u
galiseen maantana tii tu la mida ayaa idiinsoo
dhaw hadaad na dhaafi waydana adiga iyo tolkaaba
sida looga shaqeeyo waan naqaanaa"!! saylac.com
Wariye jirde oo kamid ahaa suxufiyintii joogay
ayaa soo wariyey in madasha ergooyinka qaar ka
huleelen qaarna aanay sii dhagaysanayeen
miyuusigaa reeraysan ay goobta sii joogeen,
dhawr ergo oo ay ka mid yihiin Eng Cabdiraxman
Saylici, Pro Cabdi Xaashi Abiib.
Hadaba ninka jooga iyo kan huleelayba hadaan ka
tago, maxaad umalayn akhriste, ee sharaf ah ee
ragaasi ku lahaayeen shirka kulmis Reereed ee
maal-mahan hoolka ambassador ka socday?
mase lagu hadli lahaa hadallo nuucan oo kala ah
hadii in uu magac iyo miisaan culus ugu
fadhiyaan madaxyo waaweynta sharka marin
habaabiyey?
Maxase keenay dhabo iyo wadiiqo dhib badnayd oo
reer soomaaliland ka digo-rogteen in maanta dib
loo iclaamiyo,islamarka naburo duugoobay dib loo
diirqaado?
Miyeyse u muuqan kulmis Reereed in ay nabadu
dhibayso, oo dadkani colaad dib ugu celinayaan?
Maxayse rabaan kuwo magaca masaakiinta reer
awdal sita ee kulmis Reerood ku asqoobay amaba
uga soo naaso-cad ee ay naawilaayaan?
Bal akrista axadh oo maankaaga la kaasho.
Hadaba reer awdalloow halkaas ayey maanta
taaliin oo habaas iyo boodh ayaa lay idinku
qasay, bal eega waxa ku dhacay nimankii
muraaqooday ee kulmaye la dhacsanaa, kudarsoo
aqoonyahankeena isaga waaba lala yaabay oo
waxaan jirin oo iidheh loo arkay ayaa laga soo
wariyey, dacawaa hadashoo tidhi: walee reerkaan
ogaa ma guuro, dacawo malaha reer awdal ayay
lahadlaysay
Reer Awdal maxaa udan'ah,maxayse rabaan
Reer awdal waxa la gudboon hadii aan laga
indho-saabanay waa layaqaan, oo hada xaajada
soomalind kataagan iyo nuuca ciyaarta la
ciyaarayo waad la socotaan oo ciyaartu waa bilow,
qaar kaloo badana jidkay ku soo jiraan "qayrkii
loo xiiryoow adna soo qoyso" ayaa xaajo ku
intihootay, reer awdalloow anigu ma is baananaa
oo dexdeena ma la nimadnaa mabda siyaasadeed oo
midaysan mise sidaas ayaanu maalinba meel
dharbaaxada sugnaa oo waliba maanta xisbiga
kulmis Reereed aanad waxba kulahayn oo
dhinacooga shicib ka tahay, mise willkeena
daahir yaanu iska gar-garoocana oo aan runta
usheegnaa illeen wuu inaga shiki qabaa oo
waanaga kulmis Reereed karaacnee oo aan
nidhaahnaa Adeero, hadaan baraarugnee anaku
anagaanu ku nahay ee bal ciyaartii hore wax
kabadal oo dhulkan iyo dadkani adiguu ku sugayaa
?
Maxaa laga filyaa hadii kulmis Reereed
doorashada
Baxo?
Waxaa layidhi ninka waxa maanta jooga garan waxa
soo socda ma garto
Dee maantaa aragnaa sida xaal usocda hadii taasi
ay dhacdo waxaan cadaan ah oo cidna cad
kasaarnay in somaliland qayrkeed ka hadhi doonto,
qeyrkeed oo ka liidan toonto halka maanta ay
taalo,oo dhulkani ku danbayndoona sida xaalka
falastiin ee maanta ay ku sugantahay(dhul Reer
kaliya ku liibaanu) oo wax u dhigma waase la
arki doona ninkii nool ee alla nafta u daayo
markaa xaajo waxaan ku so gunaandi in dadka
muwaadiniinta ah lamarin habaabiyey gaar ahaan
reer awdal ay gartan dantoodu halka ay ku jirto.
biyahaan madaxooga arkaaya, dabadoodu maxay
noqon?
Allaha samaha ha ina garansiiyoo.
Qalinkii xog-ogaal
By:mukhtar Abdirahman Abdillahi
awdalli@gmail.com
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|