April-01-2008
Waxa
soo dhamaaday
ayaamihii laacdanka
iyo legdanka ee
xisbiga Kulmiye ka
dhex socday sanadkii
udanbeeyey. Waxaa
hanqalka la soo
kacay damicii hurday.
Waxa bogga la isku
galiyey weedho ad
adag,Waxa soo
dhamaaday dharaaro badnaa
oo Af macaan la isku
raali galin
jirey.Wax la is
ruugaba waxa timid
runtii iyo
raasamaalkii dhabta
ahaa.
La
yaab malaha oo
bardoodanka,isbaacsiga,kursi
kala ridashada iyo
googaaleysigu waa
ged lagu yaqaanno
siyaasadda.
Dul-dullaanka
iyo is bedbedelka
muwaaqiftu waxa lagu
tilmaamaa inay
yihiin qaar la guur
guura wax hel iyo
wax waaba dabeecada
doonista qofka.
Laakiin cawaaqibka
damaca siyaasiga ah
raadkiisu wuu ka
gedisan yahay, hanti
meeshii aad u
doontay aad ka
wayday.
Waxan
shalay/maanta ku
baraarugay xisbigii
Kulmiye oo lagu kala
tegay UDUB-na
marlabaad kursiga ku
casuumay.Xisbi adag
oo UDUB kursiga ka
riixi kara oo la
wada
leeyahaybaan ogaa
laakiin beel baa
xisbigii
sheegatay.Shirka
Kulmiye wuxu ahaa
dhoollatus,codqaadistuna
waxay ahayd
samirsiis.Laakiin
qeydhiinkaa lagu
soormay.Xisbiga
Kulmiye wuxu ahaa
xisbi S.land ka
dhexeeyay markii
hore.Laakiin waxa
cad inuu magacii iyo
martabadiiba ka
guurey.Xisbigu magacii
uu diwaanka ku galay
dadkuna ay ku
aaminsanaayeen wuxu
ahaa"Kulmiye".Haddase
waa laga bedelay
magacaa, wuxu isku
rogey xisbi beeli
leedahay wuxu labaxay
Isaaq National Party
(INP).
Somalidu waxay
tidhaa "Ninkaan waxa
soo socda garan waxa
joogana ma
garto".Sanadkii hore
badhtamihiisii ayey
ahayd markii ay
shabakadda
Harowo.com
ay ka bixisay
saadaal
dhammaystiran in
Siilaanyo iyo Muuse
biixi ay noqonayaan
labada shakhsi ee
iskaga hooseyn
doonaa
kursiga.Sidaas
awgeed aanay jirin
wax meesha u yaal
beelaha kale.Doodaas
oo ahayd bishii Shanaad
ee sanadkii hore
waxan laftaydu ka
dhiibtay aragtideyda,
ka dib markaan
diiradda saaray
dabaylaha
siyaasadeed ee
doog-dhabanaya.Markaan
arkey qorshaha madhalayska
ah ee Daahir
Rayaale iyo qabka
Siilaanyo ku
jira.Doodaa waxan
kaga qeyb galay
maqaal aan ugu magac
darey <Doorashada
2008 Reer Awdal
waxay ku tahay “laba
kuu daran mid dooro>
maqaalkan oo ahaa
01-Jun-2007 wuxu kusoo
baxay wargeysyada
kasoo baxa S.land
gudaheeda iyo baraha
internetkaba,waxad
ka eegi kartaa
halkan
http://harowo.com/2007/06/01/doorashada-2008-reer-awdal-waxay-ku-tahay-laba-kuu-daran-mid-dooro/
Si kastaba
ha ahaatee waxa
cadaatay in
musharaxa
madaxweynaha iyo M/weyne
xigeenkuba yihiin labada
nin ee oo loo
doortay gudoomiyaha
iyo gudoomiye
xigeenka xisbiga
INP,oo aanay jiri
doonin cidkale oo
loo ogolyahay
labadan jago.Taa
waxa ka markhaati
kacaysa ka
maqnaanshiyihii ruug-caddaaga
siyaasiga ah Cabdiraxmaan
Awcali Faarax uu ka
maqnaa madasha ee
maalintii shalay
31-March-2008.
1)-Biyadiidka ruug
cadaaga C/raxmaan
Aw Cali iyo
badheedhihiisa.
Cabdiraxmaan Awcali
Faarax oo ahaa
sarkaal ka tirsanaa
jabhadii SNM.Wasiir
ka noqday dawladii
uhoreysay ee
somaliland xiligii
C/raxmaan.Madaxweyne
xigeenkii xukuumadii
Cigaal.Gudoomiye
xigeenkii ururkii
ASAD. Musharxii
jagada m.weyne
xigeenka ee xisbigii
Kulmiye ee lagaga
adkaaday ama laga
eexday doorashadii
madaxweynaha ee
2003dii.Siyasigan oo
magac iyo maamuusba
ku leh bulshada
S.land dhexdeeda
ayay muuqataa inuu
yahay siyaasiga
kaliya ee
badheedhihiisa
caddeystay isla
markaana aan soo
bandhigin
musharaxnimadiisa,isagoo
kaashanaya
waayo-aragnimada uu
uleeyahay arimaha
siyaasadda.Ruug caddaaga
weyn ee calool
adeyga ku ba'ay illaa
hadda lagama
hayo(afkiibaa juuqda
gabay).Siyaasigani
wali wuxu cubka ugu
jiraa nimanka ay
isku xulufada
yihiin(Hadhaagii SNM) ka
dib markii uu arkey
shaxda la
cayaarayo,maadaama
ay aad isku
fargaranayaan
saxiibadiisa
SNM.Halka ay isa soo
qadimeen ragga kale
ee ay isku gobolka
kasoo wada
jeedaan,kadibna lagu
qanciyey wax aan rag
ucuntamin.
Labada xubnood ee
lagu samirsiiyey
xubinihii ka socday
beelaha kale ee
midna la yidhi waa
gudoomiye
sadexaad(Dhulbahante)
midna la yidhi waa
gudoomiye
afraad(Samaroon),waxba
kama jiraan."Waa
siyaasadda cusub ee
la yidhaa "Buuxi
meelaha
bannaan".Labadan
xubnood ee darifyada
ee shidhka hore loo
diiday, inay yihiin
labo dabo-kafuul
waxa ka markhaati
kaceysa khudbadddii
Xil.Maxamed Cumar
Xaashi uu ka
jeediyey madashii
shirka INP ee
Ambasador Hutel.Run
ahaantii wax beelaha
kale iyo labadan
dabo-kafuulba dan u
ah kama hadal
laftiisu, ee wuxu u
doodayey uun labada
nin ee Siilaanyo ku
xiga sidii ay
Siillaanyo ula
qeybsan lahaayeen
awooda xisbiga
dhexdiisa.Isagoo
arintaa ka hadlaya
wuxu yidhi:
Gudoomiye kuxigeenka
koowaad ha noqdo
Gudoomiya golaha
dhexe
Gudoomiyaha labaadna
ha noqdo Gudoomiyaha
golaha fulinta.
Labada kalena dee ha
hoos joog joogaan
uun, oo iyaga (M.Biixi
& C.raxman C/qaadir)gacanyare
ha u ahaadaan oo
kolba waxay udirtaan
uun ha qabtaan!!!
2)-Bakhti-sugayaasha
cusub.
Waxan
naqaanay
bakhti-sugayaasha
golayaasha ee
xisbiyada dhexdooda
oo buuxiya jago
bannaanaatay haddii
mudane dhinto ama uu
si kalaba ku waayo
xubin-nimadiisa.Xubintaa
waxa bedela xubinta
kusoo xigta xagga
liiska, iyadoon loo
eegin beesha
xubintaa baxday
kasoo jeedo.Waxa soo
baxay
bakhti-sugayaal
cusub oo aan ahayn
kuwii aan ogayan ee
xisbiyada.Sida ay ii
xaqiijiyeen ilo
muhiim ah oo ballanqaadkan
markhaati looga
dhigay.Waxa jira rag
markii xil looga
diiday xisbiga INP (Kulmiye)
lagu qanciyey in
lagu qaadan doono
wasiirnimo iyagoon
xataa insha allaah
ku darin.Madaxda
xisbigan oo aad
mooddo in kursiga ay
doonayaani meel usii
yaal oo aan waxba
iska saarin xisbiga
talada haya, ayaa
baarqabyo badan oo kulmiye
iska soo buuxiyey
mid walba meel usii
calaamadiyey.Siyaasiyiinta
reer Awdal oon
garanwaayey meel uu
damacoodii ku
danbeeyey ayaa iyaga
toos loogu qanciyey
in lagu bedeli doono
wasiirada xukuumadda
Rayaale ku jira ee
ay isku jufada
yihiin.Laakiin la
islama soo qaadin xilalka
wasiirnimo ee ay
qaban doonaan nuuca
ay noqonayso inta
nabadii xukuumadihii
ka horeeyey haamaha
ka buuxiyeen la
faaruqinayo.Siyaasiyiinta
sidan lagu qanciyey
waxay kala yihiin:
1)-Prof: Ismaaciil
M. Aare waxa laga
ballanqaaday in lagu
bedeli doono Qaasin
Sh.Yuusuf oo ay isku beel
yihiin(wasiirka
macdanta iyo biyaha)
2)-Eng.C/raxmaan
Saylici oo laga
ballanqaaday in lagu
bedeli doono Axmed
X.Daahir ooay isku beel
yihiin (wasiirka
warfafinta).
3)-Oomane iyo Dacar
oo midba dhinac
dhabarka loo taabtay
ayaa la sheegay inay
sugayaan siyaasiga
weyn ee Cabdi xasan
Buuni oo ay isku
beelyiin.
Way
jiraan ballan qaadyo
kale oo meelo hoos
hoose ah laakiin
kuwaasi ma aha kuwo
Deal lagu kala galay
sida aan ku helay
warar hoose, waxase
loo ballanqaaday in
loo dhiibi doono
xilal u qalma.Ragaa
waxan ka xusi kanaa
laba siyaasi oo
laftoodu kasoo jeeda
gobolka Awdal.Waxay
u tartameen sanadkii
2005tii golaha
baarlamanka xisbiga
Kulmiye-na waxay ugu
qoranyihiin bakhti
sugayaal.
1)-C/raxman
Maxamed Jaamac (Lawyer).Bakhti-sugaha
koowaad ee Kulmiye.
2)-Maxamed Jaamac
Abgaal (Senior
Banker).
Bakhti-sugaha labaad
ee Kulmiye.
Labadan xubnood oo
ah labada Baal ee
xisbiga Kulmiye ku
duulo dhanka gobolka
Awdal,aadna uu
xisbigu
uxiisayenayey inay
soo galaan guriga
baarlamanka ayaan
kusoo bixin xilalkii
lala doonayey kadib
markii ay la tagtay Sunaamidii
ka dhacday xeebaha
Awdal sanado ka
hor.Balse wali
aaminsan in INP (Kulmiye)
mar uun mayalka
uqaban doono
Somaliland,isla mar
ahaantaana ay heli
doonaan xaqii ay
ulahaayeen inay ku
shaqo tegaan
xirfadahooda iyo
aqoontoodii oo ay
rumaysanyihiin inuu
Daahir Rayaale ka
duudsiyey.
Quuto
quutoy ku
quuso.Siillaanyo iyo
Muuse biixi waa
musharaxiinta
rasmiga ah ee
xisbigii la
oranjirey
Kulmiye,haddase la
baxay Isaaq National
Party.Sidaa ay tahay
hadana rag beelaha
darifyada kasoo
jeedaa wali rajo ka
qaba inay utartmaan
musharaxnimada
jagada madaxweyne
xigeenka xisbiga
INP.Way imanaysaa
hadhow in la yidhaa
tartanbaa loo
galayaa musharaxa
jagada m.weyne
xigeenka oo sidii
caadada ahayd nin
walba dhabarka la
taabto.sheekadaasi
waa dhalanteed iyo
khiyaamo
(trick). Wax
gorgortan ah lagama
galayo waa la
badheedhay,Siilaanyo
iyo M.Biixi ayaa ah
musharaxiinta
rasmiga ah ee berri.Waayo Siilaanyo
cid kula tartamaysa
kursiga ma jireyso
Dr.Axmed Xuseen
Ciise-na waxa lagu
gawracay Muuse
Biixii sidaas
darteed cidkale oo
la garab eryi doono
ma jireyso. Shalay
waxay ahayd
maalintii gabagabada
(breaking-up
day).Dhamaadkii
tartanka waxa la
qaaday heestii
qabiilka (to bring
the tournament to a
close, they played
the tripe anthem).
Mutida
Maqaalka:
Dadku
waxay durba
iswaydiinayaan tolow
somaliland-tan
quruxda badan ee ay
qoraxda cusubi usoo
baxaysay halkey ku
danbeyn? Ilaahay ma
usoo saari doonaa
dad udamqada oo ka
joojiya dalluuntaa
dheer ee lala
damacsanyahay.Su'aalahan
iyo qaarkaloo
badaniba waxay ka
dhexguuxayaan
maskaxaha shacbiga
Somaliland ee
nabadda iyo
horumarka jecel ee
ka korey isku dirka
iyo ku danaysiga
qabiilka.Ka dib
markii ay Shaashadda
hore soo galeen
kornayladii SNM ee ku
caanbaxay isku dirka
iyo dagaalada
sokeeye.(kornaylada
nabad-galyada ku
xanuunsada).Kuwaasoo
ah kuwii loo
aanaynayay
dagaaladii sokeeye
ee dhiiga badani ku
daatay ee somaliland
ka dhacay sanadihii
1992-93kii iyo
sanadihii
194kii-195kii.
Ha
samaato