|
|
 |
|
| |
Jawaab: Cadaawadda Reer Awdal Ee Xisbiga Kulmiye Ma
Waxbay U Taraysaa Xukuumadda Rayaale Iyo Shacbiga
Reer Awdal…?May 27, 2008
"Sida Reer Awdal looga badsado dheefta S/land, ayaa
taageerada iyo jaceylka Daahir Rayaalana looga
badsadaa, Markaa Waxba yaan Reer Boorama lagu
khuukhin kursiga. " Jawhar Qalinle
Waxa jira akhristayaal dhawaan jawaabo ka bixiyey
qoraal aan siiyey shabadko kala duwan oo ay Harowo
ka mid ahayd,akhristayaashaasi waxay uqaateen inaan
ahay masuulka Harowo.com ama inaan wax ka maamulo
marka la eego sida ay hadalkooda udhigayeen.
Hadaba Fursadan waxan kaga faa’iideysanayaa inaan
marka hore akhristayaasha u sheego inayna isku
qaldin qoraaladayda iyo shabakadda la yidhaahdo
Harowo. Mareegta Harowo iyo mareegaha kale midna
masuul kama aha maqaaladayda, Harowo-na waxay iila
midtahay mareegaha kale ee ay qoraaladaydu kusoo
baxaan. Haddii aan u dhaafo dulucda uu
xambaarsanyahay cinwaanka sare ee maqaalku. Wariyaha
Boorama ee Maxamed (Hyena), waxan marka hore ku
hambelyeynayaa qoraanimadiisa,marka xiga waxan
jeclahay inaan halkan kaga qeyb qaato dood iyo
dareenno ka dhashay maqaal uu dhawaan soo saaray oo
shabakado badani kala xigteen, maqaalkaas oo aad loo
buun buuniyey isla markaana xambaarsanaa aragti ka
duwan waaqica dhabta ah ee yaala guud ahaan
soomaliland gaar ahaan gobolka Awdal.
Waxan filayaa inay jirtay si ka haboon sida uu
wariyuhu udhigay hadalka laakiin isaga ay la noqotey
inay ku macaantahay in uu cinwaanka maqaalka uu
qorey u siiyo su’aashan (CADAAWADDA REER AWDAL EE
XISBIGA KULMIYE MA WAXBAY U TARAYSAA XUKUUMADDA
RAYAALE IYO SHACBIGA REER AWDAL,MISE WAXBAY KA
RIDAYSAA) isagoo isleh xukuumadda uu macaaradka ku
yahay wax badanbay ku waayi kartaa hadii aad hadalka
sidaa u dhigto. Anigoon ku hadleyn afka mucaaradka
iyo ka muxaafidka toona waxan jeclahay inaan abaaro
barta ay runtu taal qoraalkeygana ku saleeyo arimo
jira anigoon ku xadgudbayn aragtida qoraaga sidaad
horey iiga barateen.
Marka aad akhrido maqaalka uu wariyuhu diyaariyey
cinwaankiisa saxda ah waa sidan: "TAAGEERADA WEYN EE
REER AWDAL U HAYAAN UDUB IYO TOOSHKA XUKUUMADU KU
IFINAYSO KULMIYE, MA WAXBAY UTAREYSAA XISBIGA UDUB
MISE WAXBAY KA RIDAYSAA TAAGEERADA XISBIGOODU KA
HELI LAHAA GOBOLADA KALE EE DALKA?
Horta marka hore Reer Awdal cidna cadaawad gaar ah
uma hayaan,laakiin waxa suuro gal ah inay
taageeryaasha UDUB ku badanyihiin sida ay Waqooyi
galbeed iyo Togdheer-ba ugu badanyihiin. Run
ahaantiina meesha ma taalo wax la yidhaahdo cadaawad
iyo reer awdal ma waxbay u taraysaa iyo ma waxbay ka
ridaysaa toona?. Xumaan iyo is xag xagasho kulmiye
iyo shacbiga reer Awdal ka dhexeysaa ma
jirto.Haddiiba ay jirto taageero ay intooda badani
UDUB u hayaanna macnaheedu maaha cadaawadbay kulmiye
u hayaan. Waa wax dabiici ah in taageerayaasha xisbi
kastaa leeyahay ay ku farxaan in la taakeeyo xisbiga
kale, si uu u guulaysto mar walbana uu gacanta sare
u yeesho ka ay la safanyihiini muxaafid iyo mucaarad
midkuu doono ha ahaadee.Arintaasina maaha mid wadan
ama magaalo ugaar ah ee waa mid caam ah oo dunidoo
dhan ka jirta.SIDAAS AWGEED WAXA IS ERYANAYAA MAAHA
XISBIYADA MUCAARADKA AH IYO SHACBIGA EE WAA
XUKUUMADA IYO MUCAARADKEEDA.
Xukuumad iyo mucaarad marka la yidhaa Dalka iyo
Diinta uunbaa ka dhexeeya ee isku dan maaha,laba
danoodbay kala wataan.Markaa sida mucaaradkuba ugu
shido xukuumada ayay xukuumaduna ugu shiddaa
mucaaradka. Laakiin muslaxada umada iyo masiirkoodu
waa lama taabtaan.Waxa lagu dagaalamayaa waa
shacbiga taageeradiisa, shacbiguna hadba cidda ay
isleeyihiin dadka iyo dalkay uroontahay ayay
taageerayaan maxkamada kala saareysaana waa iyaga.
Xaqiiqatan anigu ma ogi mana jirto meel ay dadka
reer Awdal ugu heshiiyeen xisbiga kulmiye,xumaan
gaar ah oo ay u hayaana ma jirto, sadexda xisbiba
way ka tartameen gobolka sadexdii doorasho ee dalka
laga qabtay, wayna kasoo wada baxeen wakhtiyadii
doorashada codad fiicana way ka kala heleen tii
degaanka iyo tii baarlamanka intaba, xubno badanbaa
kasoo galay golayaasha. Tii madaxtooyadana
mucaaradkaaba fac fac roonaa khaasatan xisbiga
Kulmiye ee uu wariyu ku halqabsaday oo wakhtigaa uu
usharaxnaa jagada ku xigeenka Cabdiraxmaan aw Cali
oo aad looga taageero gobolka iyo guud ahaanba
gobolada Somaliland oo dhan.
Meel la iska hortaagay iyo meel loogu diiday inay
sanduuq dhigtaan haba yaraatee ma jirin xog ogaalna
waan u ahaa.Taasi waxay ku tusinaysaa in aanay jirin
dad meel ugu xidhan Daahir Rayaale. MARKA AAD GUNTA
HOOSE U DHAADHACDO SIDA REER AWDAL LOOGA BADSADO
DHEEFTA IYO DHADHANKA SOMALILAND AYAA TAAGEERADA IYO
JACAYLKA DAAHIR RAYAALE-NA LOOGA BADSADAA, WAX
DHEERI AH OO AY KU QABAANA LAMA ARKO EE YAAN WAXBA
LAGU KHUUKHIN KURSIGA.
Sidaas darteed in bulshada la ribeeyo waa laga
wanaagsanyahay.Saska,shakiga iyo kaslooni darada
xisbiga Kulmiye dadweynuhu ka qabo kuma koobna Awdal
oo kaliya ee wadankoo dhanbay ka jirtaa.Hargeysa oo
caasimadii wadanka ah Kulmiye lagama jecla oo waad
ogtihiin, Berbera waa la mid,Togdheer inta badan
kulmiye ma taageersana gobolada Sool iyo sanaag waa
kadaalika. Gudoomiyaha Kulmiye waxa usuura
galiweyday inuu caasimada kula ciido dadweynaha
maalintii xuska 17 guuradii somaliland, waa kii
carraabay illaa Burco. Taasi waxay inna tusaysaa
inaan Kulmiye dadku la dhacsanayn. Su’aasha dadka
aan waydiinayaa waxa weeye xisbiga hogaankiisii uu
Hargeysa ka hulleedhay ee uu ku dhiiran waayey inuu
kheyriyadda caasimadda isasoo taago hoos
joogayaashiisu maxay filayaan?
Haddii aan markan isku dayo in aan si kooban uga
jawaabo su’aashii uu wariye Hyene dadweynaha
waydiiyey ee ahayd "Taageerada wayn ee reer Awdal u
hayaan UDUB iyo Tooshka xukuumadu ku ifinayso
Kulmiye, ma waxbay utareysaa xisbiga udub mise
waxbay ka ridaysaa taageerada xisbigoodu ka heli
lahaa gobolada kale ee dalka? WAXAN LEEHAY,SIDA
DADWEYNAHA GOBOLADA KALEBA INTOODA BADANI ULA JIRAAN
XISBIGA TALADA HAYA, INTA YARINA UTAAGEERAAN
MUCAARADKA UUNBAY REER AWDAL-NA KALA SIMANYIHIIN EE
WAX UDHEERI MA JIRO.
Dadkuna waa wada UDUB dantuna UBUB-bay ku jirtaa
wakhti xaadirkan.Waayo UDUB waxay waa ta xabashida
ka horjoogta gobolada waqooyi (SL). Dadkuna iyagaa
doortay Daahir Rayaale ee cidi kuma khasbin imikana
sidiibay utaageersanyihin oo wax ay ku nacaanba
kalama kulmin,maalintii Daahir Rayaale kursiga
qabtay illaa maanta nimacad bay jaqayaan, way
dhiigeysteen,dhulku waa nabad,nin waliba wuxu
umadaxbanaanyahay wixii uu qabsan karo imikana
farxad bayba gebyihiin oo tuulo kasta gobol iyo
degmuu Madaxweynuhu siiyey, laakiin mucaaradku ma
jecla talaabadaa xukuumadu qaaday oo haday xukunka
qabtaan waxa u qorsheysan inay yidhaahdaan
sucuudigii waa ka noqo. Xaga hogaaminta iyo wax
qabadkana ku dheeraan mayno oo xukuumadu gudo iyo
dibadba dadaalbay ka muujisay, waxqabadkuna wuxu ku
xidhanyahay hadba inta ay dawlada tamarteedu tahay.
Haddii aan horey ugu sii socono jawaabtii su’aasha
iyo sida ay xaqiiqdu tahay "Kursigii iyo awoodii ay
beelaha badhtamuhu isku hirdiyi jireen imika waxa
haya nin kasoo jeeda beelaha darifyada, arintaasna
raalli iyo nusbay ku tahay beesha dhexe jaceyl iyo
dimuqraadiyadna Daahir Rayaale kuma iman ee wuxu ku
yimid kala orodka iyo is indha buuxin la’aanta
beesha dhexe oo horeybay iskugu naceen kursiga, sida
beesha imika talada haysaa ay durba isku nacday ee
ay xusul duubka ugu jiraan in madaxweynahan ay isku
heybta yihiin kursiga laga tuuro,!!
IS HIRDIGA IYO ISKU HAMBEYN LA’AANTA BEESHA DHEXE
DAAHIR RAYAALE WAXAY SIISAY JAANIS UU KURSIGA KUSII
FADHIYO ILAA WAKHTI AAN LA GARANAYN. FURSADAN
DAHABIGA AH WAXAY DAAHIR SIISAY AWOOD UUNAN CIDNA
KAGA HAYBAYSAN OO CIDII KURSIGIISA SOO FARAGALISA UU
FARAHA GOOYO. WAXAD ARKEYSAA RAG WAAWEYN OO LA SHIR
YIMAAD FIKRADO AAN KA GADMEYN IYO HADALO DEYL-QAAF
AH OO AAN KA TURJUMAYN XAQAA’IQA JIRA.KUWAASI WAA
KUWA YIDHAAHDA DAAHIR RAYAALE KURSIGA REERBAA
UDHIIBTAY IYO RAGBAA GAADH KA HAYA. Waxa wanaagsan
in qofka wax qorayaa noqdo qof xaqiiqo yahan ah oo
ka turjuma waaqica dhabta ah ee dalka ka jira,
dadkana usoo gudbiya wax sax ah ee maaha inuu sawir
qaldan baahiyo isagna been isku maaweeliyo.
Sawirka qaldan ee wariyaha reer Boorama uu baahiyey
waa mid aan ka turjumayn aragtida reer Awdal iyo
waxa ay dadweynuhu aaminsanyihiin.Ereyada uu
adeegsaday waxa ka mid ah ". Tan iyo markii uu
talada dalka qabtay Daahir Rayaale, waxay reer
Boorama iyo guud ahaanba reer Awdal la yaabeen sida
dhibta yar leh ee ay u fuuleen kursiga dalka ugu
sarreeya, kaas oo ay aaminsanaayeen inay iska
lahaayeen goboladii laga taageeri jiray SNM
wakhtigii lagu jiray halgankii lagu xoreynayey
Somaliland. Waxa kale oo ay la yaabanaayeen sida
dhibta yar leh ee Daahir Rayaale kursigaasi u tegey,
isagoo aan ka mid ahayn siyaasiyiintii u tartamaysay
kursigaasi, ama mucaaradka ahaa, amase ahaa ragii
ugu dhawdhawaa Marxuum Cigaal laakiin aakhirataankii
waxay isku qanciyeen in uu Rayaale nasiib ku helay
iyo dhaxaltooyo marxuum Cigaal".
Weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen maqaalkii wariye
Hyene.Dad badanbaa aaminsan xiligii doorashada
madaxtooyada loo tartamayay inay shacbiga Somaliland
bisayl iyo dimuqraadinimo dalka ka hana qaaday
darteed ku kala doorteen hogaamiyayaasha.Waxba kama
jiraan arintaa Xaajadu sidaa aadbay uga
duwanayd."Somaliland kama jirto dan dimuqraadiyada
ku qotontaa ee waxa ka jirta dan qabiil ku tiirsan
qabyaaladuna u tahay muraayada la isku daawado
iyadaana muraad kasta fure u ah".Beelaha somaliland
sida ay abtirsiinta isugu dhawyihiin ama ay isku xig
xigaan iskuguma duubna dantana uma wada laha oo
iskuma indho buuxiyaan,Jilib kastaa waxa uu
jecelyahay inuu isagu kursiga ku fadhiyo.
Cidda kursigaa ku fadhidaa haday iyaga noqon weydo
wuxu ka doorbidayaa in nin beel kale kasoo jeedaa uu
madaxweynaha noqdo.Dhaqankani maaha mid beel kaliya
u gaar ah ee waa mid ay ka simanyihiin dhamaan
beelaha dega somaliland.Taasi waxay jaanis u ahayd
tartankii Daahir Rayaale ka dib markii beesha dhexe
ay isku hannayn wayday kursiga.Beelaha darifyaduna
way la wadaageen oo laftoodu meel iskuma wada raacin
ee si la mid ah sida beesha dhexe ayey ukala
ordayeen. U fiirso beesha galbeedka ee hadda talada
haysa iskuma raacsana raallina kuma ah in Daahir
Rayaale madaxweyne ka ahaado Somaliland, waa kuwaa
madaxweyne xigeen u xiiqsan ee xusul duubka ugu jira
si madaxweynaha ay isku haybta yihiini meesha uga
baxo.
Ma jirto haba yaraatee meel laga aaminsanyahay in
kursiga usareeya ama ka ku xiga beeli leedahay, meel
ay kaga qorantahay dastuurka dalka u yaalana lama
helayo. Waase muslaxo lagama maarmaan loo arko in
kuraasta sar sare ee dalka ay ka wada muuqdaan
beelaha somaliland. SIDAAS DARTEED REER AWDAL UMA
ARKAAN IN LOO ILDUUFAY,LAMANA YAABANA INUU MUDANE
BOORAMA KASOO JEEDAA MADAXWEYNE KA NOQDO
SOOMALILAND.
Mudane Rayaale cabudhinta Kulmiye inuu ku dallaco
mooyee ku daakhili maayo sida ii muuqata.Mid kalana
maankeyga way ku jirtaa inaan doorasho la qabanayn
illaa inta laga hubinayo in dalku 85% UDUB yahay ama
uu Axmed siilaanyo ka fadhiisanayo hogaaminta
xisbiga Kulmiye.Qorshahani maaha mid xukuumada iyo
taageerayaasha xisbiga UDUB kali ku ah ee waxa qaba
waxgaradka Somaliland oo dhan,kuwaas oo mar walba u
arka in dantu ku jirto hogaaminta Daahir Rayaale ee
qunyar socodka ah.Waxan iyaduna meesha ka maqnayn
xulashada madaxweyne Rayaale ee ah inuu Siilaanyo
dhegaha u furo oo uu maskaxdiisa ku dhibciyo inuunan
ahayn nin uu kursiga ka riixan karo.Waxa xusid
mudan, Axmed Siilaanyo mar uu sheegay inuu siyaasada
ka fadhiistay waktigii M.I.Cigaal uu dalka xukumayey
wakhtigaas oo marxuum Cigaal uu ku dhawaaqay in
dalka laga hirgalin doono nidaamka axsaabta badan
sidaana hogaaminta dalka loogu tartami doono.
Siilaanyo wuxu ka mid ahaa siyaasiyiintii la filayey
inay safka hore noqon doonaan,balse taasi ma dhicin
oo wuxu sheegay inuu ka baxay siyaasada sidaas
darteedna uunan ku talo jirin inuu u tartamo
hogaanka dalka.
Markii uu dhintay M.I.Cigaal Siilaanyo wuxu bedelay
mawqifkiisii ahaa inuu siyaasada isaga fadhiistay
wuxuna furtay xisbiga uu wali horjoogaha u yahay ee
Kulmiye. Maxaa bedelay mawqifkii Axmed siilaanyo
geeridii Cigaal ka gadaal?Muxuuse xisbi ufuran
waayay intii uu noolaa madaxweynihii hore Maxmed
Ibraahim Cigaal?Haddii aan ku horeyno su’aasha danbe
"Xaajigu wuxu Cigaal u arkayay ruug cadaa uuna
siyaasada kaga guuleysan karin,oo waxa usii muuqday
raadkii rag hore oo siyaasiyiin ah oo daadku qaaday
iyo sida ay wax waliba ugu jiraan gacanta Cigaal,
intaa waxa udheeraa isagoo dareensanaa inuu Cigaal
kasoo jeedo caasimadda Somaliland iyo marinka
Berbera oo dhaqaalaha ugu badani kasoo xereedo.
Su’aasha kale jawaabteedu ma ma foga "Waxa bedelay
mawqifkiisii hore waxay ahayd Daahir Rayaale kursiga
waad ka riixan kartaa.Aniga aragtidayda Daahir
Rayaale kursiga wuu ku nagaanayaa illaa inta ay
xisbiyada mucaaradku is horwadaan musharaxiintii
horey looga badiyey. Balse Tan iyo markii ay is
horfadhiisteen madaxwenaha iyo masuuliyiintii ka
socday xisbiga Kulmiye oo uu ka mid ahaa Muuse Biixi
waxa isa soo taraya dareen mugdi galinaya hogaaminta
Axmed Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye, waxayna
ubadantahay in golaha dhexe ee xisbigu soo saaro
musharaxiin u tartama madaxweynaha iyo ku
xigeenkiisa wakhti aan sidaa ufogeyn.
Qorshahan iyo dhaq dhaqaaqani maaha mid wali si
muuqda usoo shaac baxay,laakiin waa wax jira oo
gudoomiyaha laftiisa dhegahaa utaagan. Saadaashu
waxay sheegaysaa in xisbigu musharaxa jagada
madaxweynaha udooranayo Muuse Biixi ku xigeenkana
Cabdiraxmaan Aw Cali. Anigu aragtidayda waxan
isleehay arintaa caqlibaa ka taliyey. Daahir Rayaale
iyo ku xigeenkiisa waxa loo yaabaa maalinta Muuse
Biixi iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ay noqdaan
musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee Dhega weynana
dhinacooda istaago.Akhriste bal adba.
Ha samaato
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
|
|
|