|
Sida ay jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo
xogogaal muhiim ah waxa xukuumadda
Somaliland u soo gacan geliyey ninkan
dawlada aan la magacaabin oo ka mid ah
dalalka jaarka la ah Somailand. Ninkan oo
aan magaciisa shaaca laga qaadin, waxa la
sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashi
sare ee ka dambeyey fulinta dilkii
Maamuluhii Ingiriiska ahaa ee Dugsiga Sare
ee Sheekh, Mr. Ricard Eyeingthon iyo
xaaskiisa Enid Eyeinghton ee toogashada lagu
dilay 21 October, 2003.
Waxa kale oo lasheegay in ninkan uu ahaa
maalgeliyaha iyo qabanqaabiyihii qorshihii
lagu dilay haweenaydii u dhalatay dalka
Kenya ee u shaqaynaysay Hay'adda GTZ, 19
April, 2004, laguna dhaawacay Madaxii
Xafiiska GTZ ee Somaliland oo u dhashay
Jarmalka, ka dib markii lagu weeraray
waddada u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera
Haseyeeshee, ma jiraan warar rasmi ah oo
xukuumaddu ka soo saartay qabashada ninkan
lagu sheegay hoggaamiyahah hawlgaladii
argagaxiso ee lagu fuliyey Somaliland.
Sida ay hore u sheegtay Wasaaradda Arrimaha
Gudaha Somaliland ninka la qabtay oo aan
magaciisa la sheegin waxa uu ka baxsaday
magaalada Burco oo uu Farmasi ku haystay ka
dib markii uu ka war helay qabashada kooxdii
fulisay hawlgalkii lagu dilay hawlwadeennadi
Hay'adda GTZ, ee lagu qabtay tuulada
Dhoqoshay ee Gobolka Togdheer.
Hoggaamiyaha budhcadda ah ee qabtay waxa la
sheegay in uu waqtigaas u baxsaday magaalada
Muqdisho ee konfurta Soomalaiya, ka dibna uu
ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Muqdisho oo
uu ka qaybgalay kaas oo lugi ku go'aday ka
dibna loo qaaday dal dibadda ka ah
Soomaaliya, si loogu soo daweeyo.
Wararka jamhuuriya heshay ayaa xaqiijinaya
sida lagu hayo xogo rasmi ah oo baadhiseed
in ninkan la qabtay uu ka mid yahay
hoggaamiyeyaasha sare shabakaddii dilalka
kala duwan iyo shirqoollada ka fulisay
Somaliland. Waxa kale shalay gelinkii dambe
lagu qabtay magaalada Burco, nin magaciisa
la yidhaahdo Axmed Cilmi Samatr, oo ah
Injineer u shaqaynayey Shirkadda
Isgaadhsiinta Telsom ee xafiiska Burco, kaas
oo qabashadiisa lagu xidhiidhinayo in uu ku
lug lahaa falalka dilka ahaa ee loo qabtay
ninka lagu eedaynayo hoggaamiyaha hawlgalkii
dilalkii argagaxisada ee lagu fuiliyey
Somaliland.
Wariyaha jamhuuriya ee Gobolka Togdheer,
Keysae Axmed Digaale ayaa xadhigga
Injineerka Telsom waxa uu wax ka weydiiyey
Maamulaha Shirkadda Telsom ee Burco, Ciise
Maxamuud, kaas oo u xaqiijiyey in Eng. Axmed
ay Ciidanka Boolisku qabteen galabnimadii
Sabtidii shalay. "Qiyaastii 4.45 daqiiqo ee
galbnimo ayaa Taliyaha Boolisku Burco iigu
yimid xafiiskayga. Iguna wargeliyey in ay
doonayaan Injineer Axmed Cilmie ka dibna
waan ugu yeedhay, dabaeedna Boolisku way
kexeeyeen isaga oo Taliyuhu igu yidhi wax
baan soo waydiinaynaa Injineerka." ayuu
yidhi mamulaha Shirkadda Telesom ee Burco,
waxa uu intaa ku daray; "Intaa ka dib waxa
mar danbe ila soo hadlay Taliyihii o igu
yidhi u keena afurkii, isaga oo ii shegay in
uu xidhan yahay Injineer Axmed." Ciise
Maxamuud, waxa uu sheegay in aanu garanayn
sababta loo xidhay Eng. Axmed Cilmi.
Taliyaha Qaybta Boliska Togdheer Axmed
Maxamed Guutaale ayaa weriyaha Jamhuuriya u
xaqiijiyey in isla shalay fiidkii Eng Axmed
Cilmi isaga oo xidhan loo dhaadhiciyey
Hargeysa.
Source: Jamhuuriya
Newspaper
Posted by M Ghalib.
Email:
news@somalilandnet.com
|