|
|
 |
|
| |
Muse Bixi oo hada ku sugan
Borama oo uu weheliyo Cabdiraxman Saylaci ayaa
BBC da u sheegay in degaanka Cali xaydh lagu darayo
Gabiley..Oct,24,2008
London(Saylac.com) Muuse Bixi oo uu garabkiisa
fadhiyo Cabdiraxman Saylici ayaa BBc da u sheegay in
sanadkan wixii ka danbeeya degaanka Cali Xaydh oo
awal ka tirsanaa degmada Baki lagu dari doono
Gobolka Gabiley. Waraysigan oo a BBC du siidaysey
maanta ayaa waxa Muuse Biixi si cad uu u sheegay in
gobolka gabiley dadka degani ka codayn doonaan
degaanka Cali xaydh oo awal ka tirsanaanjiray
degmada Baki. Musharaxa xisbiga kulmiye ee Jagada
Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxman Saylaci ayaa oo
goobjoog ka ahaa waraysiga uu Muuse Biixi siiyey
BBcda ayaan haba yaraatee wax hadala oo arinkaa ka
horjeeda aan BBC da siin isla markaana sida dadka
badankiisu u qaateen aad u taageersan in degaanka
ogol in degaanka cali xaydh lagu daro gobolka
Gabiley.
Dhinaca kale waraysi dheer oo ay saylac.com la
samaysay Mujaahid Cabdiraxman Aw- Cali bal sida uu u
arko mawqifka Muuse Biixi ku damacsan yahay in
degaan hore uga tirsanaan jiray gobolka Awdal hada
lagu daro gobolka Gabiley, ayaa waxa uu Cabdiraxman
Aw- Cali gashaanka ku dhuftay in ay wax la caqbali
karo ahayn in degaano hore uga tirsanaa gobolka
Awdal lagu soo riixo gobolka Gabiley. Waxa kale oo
uu Mujaahidku intaa raaciyey in ay jawaabta Muuse
Biixi ay ku haboonayd Cabdiraxman Saylaci oo markaa
ay wada joogeen Muuse Biixi uu BBCda u waramayey,
balse ayuu raaciyey Cabdiraxman Aw Cali ma ayna
dhicin taasi waana diciifnimo in rag ay wada
socdaani iyagoo waliba garab joogo ay dhul Baki ka
tirsan BBCda ugu waramaan in lagu daraayo Gabiley.
Aragtida ay dadweynaha reer Awdal ka qabaan hadalkan
qayaxan ee Muuse Biixi kasoo yeedhay ayaa waxay u
badnayd in ay dadweynaha ku dhaqan awdal iyo salal
aanay marba yeeli karin in taako ka tirsan dhulkooda
lagu daro gobol kale waxayna dadweynuhu ugu baqeen
Muuse Biixi inuu raali galin ka bixiyo xasarada uu
afkiisa kaga dhawaaqay oo ah mid dhul raadis ah
balse aan awdal dhul siyaado ah laga helayn taakana
ka dhigoo. Dhinaca kale waxay dadweyneha reer Awdal
iyo Salal ay canaan weyn usoo jeediyeen Murashaxa
jagada Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Cabiraxman
Saylaci oo ay sheegeen inuu aad u jilicsan yahay
ayna haboonayd inuu jawaab kulul ka bixiyo hadalada
Muuse Biixi agtiisa bbc da ugu waramo waxayna
dadweynuhu shegeen in ay cabdiraxman saylaci laba
arimood ka sugayaan dhawrka maalmood ee inagu soo
foole ; waa mida horee inuu ka jawaabo hadalada
Muuse Biixi iyo ta labaad oo ah inaanu xisbiga
kulmiye kula baayactamin inuu ku wareejiyo tuulooyin
ku yaala awdal in lagu daro gabiley si uu jagadiisa
madaxweyne ku xigeen waxwalba ka raaco.
Maxamed Xaaji
Saylac.com
london, UK
|
|
|