Mogadishu 22,
Oct.06 ( Sh.M.Network)
Maxkamadaha islaamka somalia
ayaa waxa ay sheegteen guulo ay
ka gaareen dagaal qaraar oo
maanta iyaga iyo ciidamada Barre
Hiiraale ku dhex maray Magaalada
Bu'aale ee xarunta gobolka J/dhexe.
Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha
islaamka oo ku sugan magaalada
Jilib ayaa waxa uu xaqiijiyay in
ilaa 8 baabuur oo kuwa dagaalka
ay ka qabsadeen ciidamada Barre
Hiiraale ee la sheegay in saakay
ay duulaan ku soo qaadeen
magaalada Bu'aale. mana jiraan
warar ka madax banaan
sheegashada Maxkamadaha islaamka.
Dagaal qaraar
ayaa mar kale dib uga qarxay
degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe,
sida ay xaqiijiyeen Mas'uuliyiin
ka tirsan Maxkamadaha islaamka
Somalia iyo warar kale oo madax
banaan, iyadoo dagaalkaasi uu u
dhaxeeyo ciidamada maxaakiimta
islaamka iyo kuwa Barre Hiiraale
oo la sheegay in ay duulaan ku
soo qaadeen magaalada.
Dagaal
qaraar ayaa mar kale ka dib uga
qarxay 2dii duhurnimo ee maanta
degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe,
iyadoo au adag tahay in la
ogaado qasaaraha rasmiga ah ee
dagaalkaasi sida uu shabelle u
xaqiijiyay mas'uul ka tirsan
Maxkamadaha islaamiga ee
Jubooyinka C/rashiid Xuseen
faarax oo qadka teleefoonka kula
soo xiriirey isagoo ku sugan
Jubbooyinka.
Dagaalkaan oo la isku
adeegsanayo hubka nuucyadiisa
kala duwan ayaa sii xoogeeystay
waxii ka dambeeyay 2dii
duhurnimo.
Dagaalkaan ayaa ku soo beegmay
xilli roobaab lixaad leh ay
shalay iyo xalay ka da'een
degmada Bu'aale.
Xiriir kale oo shabelle ay la
sameysay Sarkaalkaan lagu
magacaabo C/rashiid Xuseen
faarax ayaa waxa uu sheegtay in
guulo ay ka gaareen dagaalkii ay
la galeen ciidamada Barre
Hiiraale.
Ma jiraan warar ka madax banaan
sheegashada sarkaalkaan oo
tilmaamaya xaqiiqda dhabta ah ee
ka taagan goobta dagaalka uu
sida daran uga socdo haatan.
Sidoo kale xiriir aanu sameynay
Taliska ciidamada Barre Hiiraale
ayaysan inoo suurto galin in
aynu helno.
Waxii ku soo kordha kala soco
wararkeena dambe
Shabelle Media Network
Somalia
|